
Isniin, August 11, 2008(HOL): Degmada George oo ay ku nool yihiin Soomaali badan oo halkaasi ganacsiyo kala duwan ku leh ayaa waxaa soo food saartay saddex bilood ka hor cabsi aad u weyn oo ay ka qabaan dadka u dhashay wadanka oo ay ku dhex nool yihiin kadib markii dalka Koofur Afrika ay ka dhaceen rabshadihii shisheeye naceybka ahaa.
C/fitaax Ibraahim Cabdi (Shiino ) iyo Ramdaan Cabdulaahi Seed oo dukaan ku leh xaafadda THE MBALETHU ee duleedka magaalada George ayaa waxa ay HOL u sheegeen in markii ay rabshadahaasi dhacayeen ay soo weerareen dhalinyaro aad u tiro badan kuwaasi oo boobay dhamaan hantidii dukaankooda taalay balse nasiib wanaag ay naftooda kala badbaadeen.
Dukaanka ay leeyihiin dhalinyaradaasi oo horay loogu dilay sadex dhalinyaro Soomaali ah bishii December 2004tii iyadoo dhalinyaradaasi lagu dilay Mindiyo iyo Maqaro oo isla hal habeen la wada goowracay ayaa hadana wali ay ku ganacsanayaan.
Mar an wax ka weeydiiyay arinta dilkaasi murugada leh iyo sida ay u saameeysay kalsooni ahaan iyagu in ay halkaasi ku sii ganacsadaan ayaa waxa ay ii sheegeen in ay rag kale ka iibsadeen oo uga horeeyay oo isla markii dilkaasi uu dhacay dukaanka dib u furtay hadana aysan wax dhib ah ku qabin balse ay macquul tahay dadka sidooda oo kale ah oo ku dhex ganacsada xaafadaha ka fog-fog magaalooyinka oo amaankooduna uu xun yahay in ay la kulmaan dil iyo dhac lama filaan ah taasina ay walaalahooda kale ee Soomaaliyeed la qabaan.
Xaaladda guud ahaan Wadanka Koofur Afrika ayaa ah mid hadda dagan marka loo eego bilihii la soo dhaafay oo dadka soo galootiga ahi la kulmeen weerarro dil iyo dhac intaba.
Qaar ka mid ah dadkii soo bara kacay ayaaba dib ugu laabtay goobahoodii ganacsi iyo deegaan oo ay horay ugu noolaayeen halka kuwo kale ay wali ka baqayaan in ay dib uu laabtaan.
Waxaa kaloo jira qaar badan oo dadkaasi ka mid ahi in ay wali ku jiraan xeryo qaxooti iyagoo dalbanaya in dalalkoodii dib loogu celiyo.
Faarax Daahir, Hiiraan Online
[email protected]
Cape Town, South Africa