Isniin, August 11, 2008(HOL): Xaafado ka tirsan Degmooyinka Yaaqshiid iyo Huriwaa ee Gobolka Banaadir ayaa saaka barqadii waxaa ka dhacay dagaal dhexmaray Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya oo isku dhinac ah iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeday.
Dagaalka ayaa bilowday kadib markii ay Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Federaalka iyo Ciidamada Itoobiya ay weerar madaafiic loo adeegsaday ku qaadeen fariisimo ay Ciidamadaas ku leeyihiin Xarumaha Warshaddii Baastada iyo Warshaddii Xeyla Bariise, waxaana la sheegay in markaas kadib ay Ciidamada Itoobiyaanka Madaafiic ku garaaceen Xaafado ka tirsan Degmooyinkaas.
Dagaalka oo waqti kooban socday ayaa la sheegay in madaafiicda la isugu adeegsaday, gaar ahaan tan ay ridayeen Ciidamada Itoobiyaanka ay badankeed ku dhaceysay guryo ay dadkii deganaa ka barakaceen iyo weliba meelo bannaan oo aaney cidna joogin.
Madfac ku dhacay Guri ku yaala Xaafadda Godey Makanne ee duleedka Suuqa Xoolaha ayaa la sheegay in uu geystay dhaawac soo gaaray gabar yar oo ka tirsaneyd Qoys weli ku adkeysanaya in uusan ka barakacin gurigiisa, iyadoo la sheegay in dhaawaca gabadhaas loola cararay Isbitaallada Magaalada Muqdisho.
Dhanka kalena, Dagaal muddo 10 daqiiqo ah socday oo ka dhacay Agagarka Kuliyaddii Jaalle Siyaad ee Degmada Hodan ayaa la sheegay in uu geystay dhaawac soo gaaray labo ruux oo rayid ah, kuwaasi oo iyagoo ku sugan gurigooda oo ku yaala nawaaxiga Warshaddii Caanaha ay ugu tagtay rasaas habow ah.
Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay Ciidamada Itoobiyaanka soo galeen dabayaaqadii sanadkii 2006 waxaa ku sii kordhaya dagaallada u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya oo isku dhinac ah iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda, iyadoo dagaalladaasna ay magaalada ka dhigeen mid aanu ammaankeeda hagaagsaneyn oo laga barakacay.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia