Isniin, August 11, 2008(HOL): Maxamed Cali Xaaji Xasan oo ay wallaalo yihiin Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee Guddida Doorashooyinka Qaranka Xirsi Cali Xaaji Xasan, waxa uu xalay ka hadlay xadhiga wallaalkii iyo eedayn uu Wasiirka arrimaha guduhu jeediyay.
Maxamed Cali Xaaji Xasan war uu arrintaa kaga hadlay oo uu siiyay Wargeyska Ogaal, waxa ka mid ahaa. "Waxaan aad uga xumahay Xirsi oo aanu walaalo nahay oo ah nin sife sharci-darro ah lagu soo qaabtay, iyada oo aan sabab cad oo lagu soo qabtay jirin, ayaan hadana illaa hada aan sharci la horgeeyay jirin isaga oo xidhan muddo 4-maalmood ah, hadaanu nahay eheladiisiina maalmihii hore naloo diiday in aanu aragno. Waxa kale oo aan aad uga sii xumahay hadalka Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland ka soo yeedhay ee ah in uu Xirsi oo la wada garanayo oo ah nin Muwaadin, oo iskii isaga shaqaysta, oo Masuuliyad Qaran soo qabtay, in uu si sahlan isaga yidhaahdo Wasiirku waxaanu u malaynaynaa Al-shabaab ama wax la mid ah. Waanu ognahay in ay Dawlada isku dheceen Xirsi Cali Xaaji Xasan markii uu ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka Komishanka, sidaa daraadeed wuu iska casilay xilkii uu Qaranka u hayay. Markaa, kol haduu is casilay oo waxay ahayd in ay dawladu faraha kala baxdo oo aanay colaadiisa sii wadin. Laakiin waxa ay hada u muuqataa in ay dawladu weli colaadinayso Xirsi.
Arrintaasina waxay sababtay in ay Xirsi isaga oo Gurigiisa ku socda in la iska soo xidho oo lagu eedeeyo hub ayuu sitay, hubkina uu noqday kiisii sharciga ahaa ee ay dawladu u sharciyaysay, iyada oo aan dalkaba hubku ka mabnuuc ahayn, hadana la yidhi Telefoono ayuu cid kula xidhiidhayay, maantana la yidhaahdo waa Al-shabaab waa arrin aad u fool xun. In Wasiirku sidii qof yar oo caruur ah iska yidhaahdo sidaas ayaanu u malaynaynaa iyada oo aan Maxkamad iyo cid cadaysay midna jirin waa masuuliyad-darro fool xun. Xirsi weligii ma gelin, kamana mid noqon, gelinamaayo Ururka uu ku sheegay Wasiirku iyo mid la mid ah toona.
Markaa Wasiirku hadduu leeyahay oo uu ku eedaynayo Qaadka ma cuno, Sigaarkana ma cabo, Salaadana wuu tukadaa, isaga laftigiisa (Wasiirka Daakhiliga) ayaa Al-shabaab noqonaya, oo Sigaar iyo Qaad toona ma cuno, Salaaddana wuu tukadaa. Mana jiro Wallaalkay Xirsi Urur uu galay oo aan ka ahayn Ururkii SNM. Ninka sidaasa wadankan u soo halgamay uma qalmo maanta in la yidhaahdo waa Al-shabaab. Aniga oo ku hadlaya magaca Ehelada, Axsaabta iyo Afkayga-ba waxaan dawlada ka codsanayaa in ay Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ah Wallaalkay oo Hooyo iyo Aabo na wada dhaleen in ay dawladu xorriyadiisii u soo celiso, hadii wax lagu hayana sharciga la horgeeyo, hadii kale mu'aamaraadka iyo kolba dambi u samayntana laga daayo."
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland