C/QAASIM SALAAD XASAN: "Soomaaliya hadda waa laga faanaa laakin waxay gaari doontaa iyadoo lagu faanayo oo loo soo shaqo doonanayo"

Cabirka Farta

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya- C/qaasim Salaad Xasan
Isniin,  August 11, 2008(HOL): Madaxweynihii hore ee soomaaliya C/qaasim Salaad Xasan oo u waramayay Idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu ka hadlay arrimo dhowr ah oo ku saabsan joogitaanka Ciidamada Itoobiya, sida uu u arkayo Heshiiskii ay Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta ay ku gaareen Dalka Jibouti iyo sida uu xalka Soomaaliya ku imaan karo.

C/qaasim Salaad Xasan oo wax laga weydiiyay sida uu u arkayo Heshiiskii Jibouti waxaa uu sheegay in ay wanaagsan tahay in heshiis iyo xal laga gaaro mushkiladda Soomaaliya balse waxaa uu carrabka ku dhuftay sida ay u fuli karaan qodobadii heshiiskaas oo uu ku jiro mid sheegaya in Ciidamada Itoobiya ay Soomaaliya uga baxaan 120 maalmood gudahood.

Ciidamada Itoobiya ayuu sheegay in uu dalka Soomaaliya soo geliyay Maamulka Mareykanka ee uu hor-boodo madaxweyne Bush, wuxuuna sheegay in haddii uu Ameerikaanka doonayo in Ciidamada Itoobiya laga saaro Soomaaliya ay taasi suurtageleyso, wuxuuna shaki ka muujiyay in ay Ciidamada Itoobiya baxayaan iyadoo uusan Ameerikaanku ogolaanin.

"Waxaan leeyahay maamulka Bush shacabka Mareykanka iyo Shacabka Soomaaliyeed weligoodba waxaa ka dhaxeysay saaxibtinimo muddo dheer , marka yuusan xiriirkaas xumaanin ee Ciidamada Itoobiya ka saar Soomaaliya"ayuu yiri Madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/qaasim Salaad Xasan oo sheegay in ujeedada Ciidamada Itoobiya loo soo geliyay Soomaaliya ay ahayd in kumanaan kun la dilo, kumanaan kale la dhaawaco, Malaayiin ruuxna guryahooda laga barakiciyo.

C/qaasim Salaad Xasan mar uu ka hadlayay in ay dadka Soomaaliyeed xal gaari karaan kadib marka ay baxaan Ciidamada Itoobiya waxaa uu sheegay in ay taasi shaki la'aan tahay, wuxuuna caddeeyay in aaney jirin dhibaato dhex-taala dadka Soomaaliyeed, "Dadka Soomaaliyeed waa dad walaalo ah oo isku af, dhaqan iyo diin ah, marka ma jirto dhibaato gaar ah oo iyaga dhex taala haddii ay Ciidamada Itoobiyaanka baxaanna waan hubaa in ay aayahooda ka tashan doonaan"ayuu yiri C/qaasim Salaad Xasan.

Mar wax laga weydiiyay C/qaasim Salaad Xasan sida uu ugu muuqdo mustaqbalka Soomaaliya waxaa uu sheegay in uu hubo in goor ay ahaataba ay Soomaaliya Barwaaqo iyo Nabadgelyo u bixi doonto, "Soomaaliya hadda waa laga faanaa laakin waxay gaari doontaa iyadoo lagu faanayo oo loo soo shaqo doonanayo" ayuuna Madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/qaasim Salaad Xasan oo ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed in ay Allaah u towbad keenaan si uu dhibaatada uga dul-qaado.


Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia