
Isniin, August 11, 2008(HOL): Madaxwaynaha DGPL Maxamuud Muuse Xirsi Cade ayaa 7dii bishan August xarigga ka jaray xaflad lagu furayay Shirkada taleefoonda ee Telcom Puntland, taasi oo ka dhacday Hotelka Panorama ee Magaalada Boosaaso.
Marka laga soo tago xarig ka jirida Madaxwaynaha waxaa xafladaasi soo xaaadiray Masuuliyiin sar sare oo ka tirsan Golaha xukuumada Puntland, waxaana wasiiradii ka joogay xaflada Furitaanka Telcom Puntland ka mid ahaa Wasiirka Amniga , Wasiirka Maaliyadda, Wasiirka Macdanta Iyo Batroolka , Wasiirka ku xigeenka Arrimaha gudaha , Odayaal dhaqameedyo Iyo Masuuliyiin kale oo aad u fara badan.
Munaasibada Furitaanka Shirkadan Telfoonnada Telcom Puntland ayaa waxaa lagu soo bandhigay Adeegyada ay Shirkaddu ugu talagashay Bulshada Ku Dhaqan Deegannada Puntland iyo Guud ahaan Umadda Soomaaliyeed ,taasi oo soo jiidatay dhamaan madaxdii ka soo qayb gashay iyo dadwaynihii joogay Madasha ay ka dhacdaysa xafladda furitaanka Shirkada Telcom Puntland.
Madaxa Xiriirka Dadweynaha Shirkada Telefoonada Ee Telecom Puntland Shiikh Fu,aad Maxamuud Xaaji Nuur ayaa sheegay in soo kordhinaayan Adeegyadii ugu danbeyay Caalamka laga Isticmaalo. oo dhanka mobillda ah waxa uu intaas ku daray in ay ay shirkaddu keentay Adeeg Internet wireless ah oo aad Goob walba kugu Shaqaynayo.
Adeegyada ay shirkada Telcom Puntland ay sidoo kale soo bandhigtay habeenkii xarigga laga jarayay waxaa ka mid ahaa:
1-Missing Call Notification oo ah in markaad damisid Mobilkaaga ama aad ka baxdid Coverage ka aad hadhow arki kartid cid walba oo ku soo wacday.
2-USSD loan services oo ah in hadii lacagtu kaa dhamaato aad qaadan kartid deyn intaad garaacatid Nomber.
3-Familiarity Number Features: waa adeeg muhiim ah oo qofku uu diiwaan gashanayo 9qof oo uu ka wici karo kharash dhin waana gudaha(local) oo keliya.
4- Hadii Mobilkaaga kaa lumo uma baahnid in aad Shirkadda soo wacdo o lagu xiro ee waxaad ka qaadaneysaa qofka kuugu dhow oo haysta mobile Telcom ah kadibna adiga ayaa xiranaya hadaad furaneyso waa sidoo kale.
5-Lacagta kugu jirta Mobilkaa waxay leedahay Password(number sir ah) oo cidna kama shuban karto.
Siciid Xasan Jeesan oo ah Godoomiyaha Shirkada Telcom Puntland ayaa Madasha ay ka dhacaysaa xafladaasi ka sheegay in dadwaynaha Puntland ay ka haqab tiri doonaan adeegyo fara badan ,Maadaama shacabka ay mudo badan sugayeen furitaan Shirkada Telcom Puntland.
Maareeyaha Shirkada taleefoonada ee telcom Puntland ayaa ka hor sheegay Masuuliyin xaflada furitaanka joogtay in Shirkada Telcom Puntland ay ka qayb qaadan doonto arimaha bulshada iyo wacyi galinta dadwaynaha.
Isku soo wada duuboo ugu danbayn waxaa shirkada xariga ka jaray Madaxwaynaha DGLPL oo ay hareeraha ka taagnaayeen Maamulka sare ee Shirkada Telcom Puntland.

Faysal Maxamed Xasan (Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bossaso, Somalia