Talaado, April 22, 2008(HOL): Afhayeenka Maxkamadaha Islaamka Shiikh Maxamuud Shiikh Ibraahim Suuley ayaa si kulul u cambaareeyay go’aan dhawaan ka soo baxay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, kaasi oo ahaa in aan la dhoofin karin dalagyada dalka ka soo go’a.
Shiikh Maxamuud waxaa uu sheegay in go’aanka ka soo baxay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya uu ahaa mid lagu cunaqabateynayo dadka Soomaaliyeeed, isla markaana loo diidayo in ay dibadda u iib geystaan waxyaabaha ay beertaan.
“Sicir barar haddii la yareynayo waa in canshuuraha lagu qaadaa Lacagta Shilin Soomaalig ah, sidoo kalena aan la canshuurin raashinka quutul-daruuriga ah ee muhiimka u ah nolosha bani’aadamka”ayuu yiri Shiikh Maxamuud Shiikh Ibraahim Suuley oo qadka taleefoonka Shir jaraa’id ku qabtay.
Shiikh Maxamuud waxaa uu sheegay in go’aanka ka soo baxay Xukuumadda Federaalka uu yahay mid la doonayo in cunaha lagu qabto Dadka ka soo haray Madaafiicda Itoobiyaanka, wuxuuna sheegay in aysan taasi yeeli doonin Shacabka Soomaaliyeeed.
Dhanka kalena, Afhayeenka Maxkamadaha Islaamka Shiikh Maxamuud Shiikh Ibraahim Suuleey waxaa uu ka hadlay dagaalladii horaantii todobaadkan ka dhacay Xaafado ka tirsan Degmooyinka Huriwaa iyo Yaaqshiid, wuxuuna sheegay in ay Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladda Federaalka ay xasuuq ka geysteen Xaafado ka tirsan Degmada Huriwaa.
“Ciidamadaas waxay dileen dad gaaraya 200 oo ruux oo rayid ah, kuwaasi oo 20 ka mid ah ay gowraceen, sidoo kalena waxay qabsadeen dad 160 ruux gaaraya oo 40 ka mid ah ay ahaayeen Arday Dugsi Qur’aan wax ka baraneysay”ayuu yiri Shiikh Maxamuud Shiikh Ibraahim Suuley oo sheegay in dadka la gowracay ay ku jireen Culumaa’udiin si weyn looga yaqaano Soomaaliya.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Dadka ku dhaqan Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho ayaa waxaa isu biirsaday nabad iyo nolol la’aan, waxayna mar kasta marti u yihiin dhinacyo iska soo horjeeda oo dushooda ku dagaalamaya iyo sicir barar ku yimid qiimaha raashinka quutul daruuriga ah.
Warkii ay Xukuumadda Federaalka soo saartay-HOL
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia