Talaado, April 22, 2008(HOL): Habeenkii xalay ahaa ayaa waxaa bambo gacmeed lagu weeraray guriga uu Magaalada Baydhabo ka degan yahay Guddoomiyaha Gobolka Bakool Maxamed Cabdi Maxamed (Tall).
Weerarkaas ayaa wuxuu sababay dhaawac soo gaaray labo ka mid ah Ilaaladii Guddoomiyaha, kuwaasi oo haatan dhaawacooda lagu daweynayo Isbitaalka Magaalada Baydhabo.
Qaraxaas iyo rasaas daba socotay oo ay is-weydaarsadeen ilaalada guddoomiyaha Gobolka Bakool iyo kooxihii weerarka ku soo qaaday ayaa waxaa si weyn xalay looga maqlay Magaalada Baydhabo, iyadoo intii ay rasaastaas socotayna ay ilaalada guddoomiyaha u soo gurmadeen Ciidamo kale oo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya
Magaalada Baydhabo ee xarunta u ah Gobolka Bay ayaa muddooyinkan waxaa sii xumaanayay ammaankeeda waxaana horay loogu dilay saraakiil ka tirsan Ciidamada Nabad-sugidda Dowladda Federaalka, kuwa Itoobiya iyo weliba Dad rayid ah.
Dhanka kalena, 7 Ruux ayaa dhaawacantay kadib markii uu Koontaroolka Baar Bakiin ee Magaalada Baydhabo uu kula rogmaday Gaari Mini Bus ah oo ay la sodeen. Baskaas rogmaday oo ka yimid Degmada Ufurow ee Gobolka Bay ayaa wuxuu ku sii jeeday Magaalada Muqdisho, lamana oga ilaa iyo haatan waxa keenay in uu rogmado marka laga reebo in rogmashadiisa loo aaneeyay darawalkii gaarigaas waday oo aan lahayn khibrad darawalnimo.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia