Talaado, April 22, 2008(HOL): Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, ayaa la sheegay inuu qoraal isugu jira canaan iyo hanjabaad u gudbiyay Guddida Komishanka Doorashooyinka Qaranka, isla markaana uu kaga dalbaday inay isa soo waafajiyaan go’aanka Golaha Guurtida ee muddo kordhinta iyo waqtiga qabsoomida doorashooyinka.
Sida uu qoray Wargeyska Ogaal, ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dhinacyada arrintani khusayso, hase ahaatee warar uu Wargeysku sheegay inuu ka helay ilo lagu kalsoon yahay, ayaa tibaaxay in Madaxweynuhu qoraalka uu u gudbiyay Guddida doorashooyinka uu ku muujiyay in inaanay komishan ahaan awood u lahayn inay ka horyimaadaan go’aanka Guurtida. Arrintana uu u gudbin doono Maxkamad. Iyada oo ilahaasi tibaaxeen intaasi iman karto hadii komishanku ku sii adkaystaan inay doorashooyinka waqtiga ay ku heshiiyeen Komishinka iyo Axsaabtu.
Hore waxa u soo baxay todobaadkii aynu soo dhaafnay warar tilmaamayay in Madaxweyne Rayaale waafaqay goáanka Axsaabta iyo Komishanku isla qaateen, isla markaana qoraal uu u gudbinayo Guurtida, kaas oo uu kaga dalbanayo inay ka noqdaan muddo kodhinta, ka dib markii arrintaa Xisbiyada Mucaaridka ah, Komishanka doorashooyinka, Deeqbixiyayaasha caalamiga ah iyo in badan oo ka mid ah bulshada ay si weyn uga biya-diideen. Hase ahaatee, waxa kaa bedalay qoraalkan dambe ee la sheegay in Madaxweynuhu u gudbiyay Komishanka doorashooyinka, taas oo markale cirka ku shareertay xiisadii arrintaa ka taagnayd.
Dhinaca kale, Golaha Wakiillada Somaliland ayaa ka baaqday shalay inay yeeshaan fadhi albaabadu u xidhan yihiin oo ay u balansanaayeen, kaas oo la filayay in ay kaga wada-hadlaan doorka ay ku yeelan karaan isusoo dhaweynta dhinacyada khilaafaadka siyaasadeed ka dhex oogan yahay.
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cabdiraxmaan-ciro), ayaa dhawaan shaaca ka qaaday in Golle Wakiillo ahaan dhex-dhexaadin ay ka gelayaan khilaafyada iyo muranada siyaasadeed ee xiligan dalka ka aloosan.
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.