Dagaal ka dhacay Jaziiradda Kudhaa ee Gobolka J/Hoose

Cabirka Farta

Talaado, April 22, 2008(HOL): Jaziiradda Kudhaa oo ka mid ah Jaziiradaha Koofureed ee ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose ayaa maanta waxaa ka dhacay Dagaal dhexmaray Maleeshiyo Beeleed Deegaankaas ka soo jeeda iyo Xoogag ka amar qaata Maxkamadaha Islaamka.

Dagaalka labada dhinac dhexmaray ayaa waxaa uu geystay khasaare dhimasho ah oo gaaraya 11 ruux oo weliba labada dhinac ah iyo dhaawac intaas ka sii badan, waxaana dagaalka labada dhinac dhexmaray uu salka ku hayaa gacan ku heynta Jaziiradda Kudhaa.

Afhayeen u hadlay maleeshiyooyinka deegaanka ee dagaalka kula jira Xoogagga Maxkamadaha Islaamka oo lagu magacaabo Cumar Faroole ayaa wuxuu sheegay in ay dhinacooda dagaalka uga dhimatay 5 ruux, halka uu sheegay in ay dhinaca ka soo horjeeda ka dileen 7 ruux, walow aysan jirin cid madax bannaan oo xaqiijisay khasaaraha uu dagaalkaas geystay.

Shalay ayay ahayd markii dagaal ka dhacay Jaziiraddaas uu geystay dhimashada 5 ruux, iyadoo dagaalkaasina ay gacan ku heynta Jaziiraddaas kula wareegeen Xoogagga Maxkamadaha Islaamka.

Jaziiradda Kudhaa oo ka mid ah Jaziirado dhowr ah oo k atirsan Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxay leedahay Deked Macmal ah oo inta badan laga dhoofiyo Dhuxusha, isla markaana ay ku soo xirtaan Doomaha Badeecooyinka u wada ganacsatada Jaziiraddaas ku dhaqan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia