Maamul Goboleedka Puntland oo xoog ku soo furtay Doon ay Kooxo Burcad Badeed ah qafaasheen

Cabirka Farta

Talaado, April 22, 2008(HOL): Maamul Goboleedka Puntland ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in uu xoog ku soo furtay Doon ay ku rarnaayeen Badeecooyin ganacsi oo ku sii jeeday Dekedda Magaalada Boosaaso, taasi oo ay qafaasheen Kooxo Burcad Badeed ah.

Wasiirka Amniga Puntland C/llaahi Siciid Samatar ayaa sheegay in Ciidamada Ammaanka Puntland ay weerar ku qaadeen Kooxo Burcad Badeed ah oo Xeebaha Puntland ku heystay Doon Badeecooyin ganacsi u waday Ganacsato Reer Boosaaso, wuxuuna caddeeyay in ay gacanta ku soo dhigeen 7 Burcad Badeed ah oo 3 ka mid ah ay dhaawac yihiin.

Wasiirka wuxuu intaas ku daray in Doontan oo lagu magacaabo Al-Khaleej, isla markaana wadatay Calanka Imaaradda Dubai  ee Dalka Isu Tagga Imaaraadka Carabta ay Kooxaha Burcad Badeedka ah ka qafaasheen meel 160 Mile u jirta Xeebah Soomaaliya, hayeeshee aysan Burcad Badeedka u suurtagelin ujeedadii ay lahaayeen.

Inkastoo Ciidamada Ammaanka Puntland ay dagaal la galeen Kooxaha Burcad Badeedka, isla markaana ay ka itaal roonaadeen hadana Wasiirka Ammaanka Puntland C/llaahi Siciid Samatar waxaa uu sheegay in aysan jirin awood baaxad leh oo ay kula dagaalami karaan dhamaan kooxaha Burcad Badeedka ah, sidaas darteedna wuxuu ka codsaday Beesha Caalamka in ay gacan ku siiso sidii Xeebaha Soomaaliya looga sifeyn lahaa Kooxaha Burcad Badeedka ah.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Doon kuwa Kalluumeysiga ah oo laga leeyahay Dalka Spain ayaa waxay haatan  ku af-duuban tahay Xeebaha Soomaaliya, waxaana Doontaas heysta Kooxo Burcad Badeed ah oo weliba lacag madax furasho ah dalbaday, walow halka lagu heysto Doontaas uu ku soo wajahan yahay Markab dagaal oo ay Dowladda Spain leedahay, kaasi oo markii Doontan la qafaalanayay ku sugnaa Badda Cas.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia