Axad, April 20, 2008(HOL): Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa wuxuu ka hadlay sicir bararka ka jira Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho, dagaallo shalay iyo maanta Muqdisho ka dhacay, dib u heshiisiinta iyo dib u habeyn lagu sameynayo ciidamada Dowladda Federaalka.

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde)
Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde waxaa uu sheegay in kulan ay Muqdisho ku yeesheen Golaha Wasiirrada lagu go’aamiyay in dib loo habeeyo Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa mas’uuliyiinta Dowladda ilaalo ahaanta u wataan, kuwaasi oo qaarkood u habeysan qaab beeleed, in aan la dhoofin karin dalagyada ka soo go’a dalka, in la qaato lacagta duugowday ee Shilin Soomaaliga ah iyo in aan dalka la soo gelin karin lacagta been abuurka ah.
“Bacdamaa ay Shacabka Soomaaliyeed ka cabanayaan Sicir barar ka dhashay Dalagyada Dalka ka soo go’a oo Dibadda loo dhoofiyo iyo kuwii dibadda ka imaanayay oo qaali ah, waxay Dowladdu go’aamiysay in aan muddo seddex bilood ah la dhoofin dalagyada dalka ka soo go’a”ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo mar uu ka hadlayay dhoofinta dhuxushana sheegay in ay Dowladda tallaabo ka qaadi doonto dadka ku shaqada leh dhoofinta dhuxusha.
Wuxuu intaas ku daray Ra’iisal Wasaaraha in ay shirkooda ku soo hadal qaadeen dib u heshiisiinta iyo nabadeynta Soomaaliya, wuxuuna sheegay in ay Dowladda horay u sheegtay, haatanna ay ku celineyso in ay la hadleyso cid kasta oo wada hadal iyo nabad wax ku dooneysa.
Mar uu Ra’iisal Wasaaraha ka hadlayay dagaallada shalay iyo maanta ka socda Magaalada Muqdisho waxaa uu sheegay in ay dagaalladaas ka dambeeyaan sida uu u yiri Ciidamo cadaw ah oo weerar ku soo qaaday Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya, wuxuuna sheegay in ay Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya ay is-difaacayaan haddii la soo weeraro.
“Ciddii aan nabad dooneynin oo dagaal uun u soo taagan waxaa qasab ah in iyadana dagaal lagala hortago” ayuuna yiri Ra’iisal Wasaaraha oo ay dhinacyadiisa fadhiyeen Wasiirrada Warfaafinta, Maaliyadda, Arrimaha Gudaha iyo Amniga iyo Ganacsiga iyo Warshadaha.
Hadalka uu maanta sii daayay Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo bartamaha bisha soo socota ee May la gelayo xiligii bad-xiranka, kaasi oo socon doona muddo 3 bilood ah, isla markaana aysan suurtagal noqon doonin in ay Doomo iyo Maraakiib yar yar ay badeecooyin keenaan kana qaadaan Dekedaha Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia