Kulan guud oo ay isugu yimaadeen Guddoomiyayaasha iyo Madaxda Saxaafadda Somaliland iyo qoddobo laga soo saaray

Cabirka Farta

Ka bilow Midig, Tifaftirihii Wargeyska Jamhuuriya Xasan Siciid, Guddomiye-xigeenka Wargeyska Ogaal Cabdiweli Faarax Jaambiir iyo Cabdirisaaq M. Dubbad
Axad, April 20, 2008(HOL): Dood ballaadhan oo lagaga hadlayay doorka ay saxaafaddu ka qaadanayso marxalada Siyaasadeed ee Somaliland hadda ku sugan tahay, Doorashooyinka soo socda iyo tallaabada laga qaadanayo haddallada ay Siyaasiyiintu is-weydaarsadaan qaarkood, oo dalka qas ka abuuri kara, lagu qabtay Hotel Emperial ee Magaalada Hargeysa.

Doodan oo ay soo qaban-qaabiyeen labada Urur saxaafadeed ee SOLJA iyo SSJW, isla markaana ay maalgelisay Hay'adda CARE, kana soo qaybgaleen Guddoomiyeyaasha Ururada Saxaafadda ee SSJW iyo SOLJA, Guddoomiyeyaasha Wargeysyada madaxa-bannaan, madaxda telefishanada, Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac Gaarriye, Boobe Yuusuf Ducaale, Guddoomiyaha qaybta anshaxa ee komishanka doorashooyinka iyo suxufiyiin ka kala socotay qaybaha kala duwan ee saxaafada. Waxaana laga soo saaray shan qodob oo ay saxaafadu ku dhaqmi doonto.

Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta ee Somaliland ee [SOLJA] Mustafe Cabdi Ciise [Mustafe Shiine]
Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta ee Somaliland ee [SOLJA] Mustafe Cabdi Ciise [Mustafe Shiine], oo shirkaa ka hadlay, ayaa sheegay in loo baahan yahay inaanay warbaahintu u hogaansamin siyaasiyiinta, isla markaana aanay noqon meel ay isku dhaafsadaan Siyaasiyiintu waxay doonaan, isla markaana la tifaf-tiro hadaladooda wax kicinaya. "Warbaahintu waa awoodda afraad ee uu qaran leeyahay ee ay tahay inuu doorkiisa qaato, haddii ay saxaafaddu qaadato inay dalka burburiso dawlad iyo Goleyaal-toona isma hortaagi karaan, badbaadinta dalkana warbaahinta ayaa iska leh.” ayuu yiri Mustafe-Shiine, waxaanu intaa ku daray oo uu yiri, “Maaha in aynu u hogaasano siyaasiyiinta. Maanta waxaynu is faraynaa waa masuuliyadda ina saaran, waxaynuna ka digaynaa in aanay saxaafaddu noqonin Boos (Post) qofkii doonaa uu ku rito waraaqaha, isaga oo aan laga tifaftirin waxyaabaha wax kicinayana aan loo sii daynin, waxbaa la dilay iyo waxyaabo la mid ah.” Ayuu yidhi Mustafe Shiine. Waa in ninka siyaasiga ahi la yimaadaa fikrado ummadu ku kala raacdo"

Guddoomiyaha Ururka SSJWA Yuusuf Cabdi Gaboobe, oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in ay warbaahintu u adeegto fikradaha ay doonayaan dadweynuhu. “Dadku xor-bay u yihiin, khaasatan nimanka siyaasiyiinta ah ee fikradooda u adeegsada warbaahinta iyo wixii ay doonayaan inay dadweynaha ugu gudbiyaan, laakiinse ayaamahan dambe waxaad moodaa waxa la shubayay (la isweydaarsanayay) wax xasaasiyad kicinaya.” ayuu yiri, waxaanu intaa ku daray oo uu yiri, “Waxay ahayd arrin ina wada saamaysay oo aan wargeys keliya u gooni ahayn. Maadaama doorasho soo socoto waxaan idin xasuusinayaa inaynu lahayn xeer ku saabsan sida ay saxaafadu uga waramayso doorashada.”

Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac Gaarriye oo ka mid ahaa aqoonyahanadii lagu soo martiqaaday madasha, oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in abwaanadu ay berigii dawladdii Maxamed Siyaad Barre ay ahaayeen isha keliya ee ay shacbiga wax ugu gab-yaan, laakiinse ay imika ka nasteen oo ay kaalintoodii gashay saxaafadda madaxabannaan oo halka ay is yidhaahdaan gabay ka sameeyaba ay iyagu ka hadlaan. “Horta waanu idinku nasanay haddaad saxaafada tihiin, gabayadii idinka ayaa naga baajiyay oo meel kasta oo aanu is-nidhaahno caawa ka Gabyaba saxaafadaa qortay markaasaan idhaahdaa wataa halkaad ka Gabyi lahayd Ilaahay ha barakeeyo, waayo suugaantu waa qayb ka mid ah saxaafada." Waxanu intaa ku daray oo uu yiri, "Waxa farxad gaara ii ah inaad idinku isugu yeedhaan munaasibadan, halkii idinka la idiinka yeedhi lahaa haddaad tihiin saxaafada, oo aad idinku dadkiinii is-tidhaahdeen yara eega halka waxaan is-leeyahay hambalyo ayaad ku mudantihiin...Dawlad waxaan u necebahay ta saxaafadda xakamaysa, waxaan kasii necebahay saxaafada is-xakamayn wayda...Qofkii muraad lihi bannaankaa isagu wuxuu doonayo haka sameeyo oo isaga halagu kaxeeyo, inuu saxaafaddeena soo maro maaha.”

Guddoomiyaha Gudida An-shaxa ee komiishanka Qaranka Aadan Baxnaan oo isna halkaasi ka hadlay waxa uu yidhi "Awooda dalkan u saraysa marka Ilaahay laga yimaado waa dadweynaha, waa kuwa doorta madaxweynaha, cidduu doonana waaka ay tahay in laga baqo, la iska ilaaliyo. Ka laleeyahay wuu madaxbanaan yahay iyo ka la leeyahay ma madax banaana labadaba dadkaa iska leh. Waar waxa muuqda inay isheenu ku dhacayso ilaawa bal dadka qalbiga taabta oo wixii taabanaya ugu adeega” Waxaanu intaa raaciyay, “Saxaafadu ka horto oo sannadkii hore halkay taagnayd ha ka korto, intaynu shirkan ka ballan qaadnayna haddaynu fulino heeryo culus ayaynu ka qaadnay dadweynaha"ayuu yidhi Aadan Baxnaan.

Qoraaga caanka ah ee Boobe Yuusuf Ducaale oo isna halkaasi hadal ka jeediyay ayaa ka hadlay macnaha Shirka-jaraa'id iyo halka waqtigan uu taagan yahay. "Shirka jaraa'id adduunka macno ayuu ka leeyahay, wax la iska yidhaahdo maaha oo inta telefoon lasoo diro la yidhaahdo kaalaya, idinka saxaafad ahaana nusqaan ayay idinku tahay. Ninka shirka jaraa'id qabanayaa waa inuu wax qoraa, ujeedona ka leeyahay oo wax u qoran yihiin oo saxaafada loo qaybiyaa oo ay xigtaan. Ninka shirka jaraa'id qabanayaa waa inuu habeen iyo maalin u soo seexdaa. Dadku khaati ayay ka joogaan shirar jaraa'id oo waxay nolosha ku tarayaan aanay jirin wax uu u dhimo mooyaane” ayuu yiri Boobe Yuusuf, waxaanu intaa ku daray oo uu yiri, “Saxaafadda adduunyadu way ka carartaa, mootooyin ayaa lagu eryadaa. Bal ummadan maalin walba u yeedhanaysa iyada oo furan odhanaysa wax i weydiiya oo xataa aan su'aalaha kaantaroolayn, aan hadhow ku xisaabtamayn oo aan odhanaynin shirkii jaraa'id ee shalay maxaa kasoo baxay, dadka idiin yeedhayaa waa dadka caynkaasi ah...Dadka daawanaya iyo dadka dhagaysanaya ayaa xanuunkeeda garanaya. Waxaan idin leeyahay dadka u tudha haddii aad cid kale u tudhi waydaan"

Ugu dambayntii doodaasi oo lagu falanqaynayay doorka saxaafada iyo Somaliland, waxa gebo-gebadii laga soo saaray qodobo la isku waafaqay oo la isku raacay in la qaato, laguna dhaqo saxaafada madaxa banaan iyo ta dawladaba. Iyada oo sidoo kalena ay dib ka ballameen Guddoomiyeyaasha wargeysyada iyo tifaftireyaashu inay kulan dambe isugu yimaadaan.

Qodabada laga soo saaray doodan oo shan qodob ahaa waxay kala yihiin sidan:

1. In la joojiyo cayda tooska ah ee shakhsi cayga ah ama qabiil cayga ah ama qof koox cay ah ee la baahiyo ama la daabaco.

2. Ereyada colaada hurin kara ee waanu dagaalamaynaa iyo waanu xidhxidhaynaa in aanay saxaafadu gudbinaynin.

3. Karaamo dilka qofka inaanay saxaafadu gudbinin

4. Shirarka jaraa'id waxa lagu xakamayn karaa inay noqdaan qaar masuuliyadi ka dambayso. Waxa la gartay in ay hay'adaha warbaahinuhu kusoo rogaan lacag dheeraad ah.

Barkhad M. Kaariye  Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland