Khasaaraha uu geystay dagaal maanta ka dhacay Degmooyinka Huriwaa iyo Yaaqshiid ee Magaalada Muqdisho

Cabirka Farta

Axad, April 20, 2008(HOL): Waxaa sii kordhaya khasaaraha uu geystay dagaal maanta ka dhacay Xaafado ka tirsan Degmooyinka Huriwaa iyo Yaaqshiid ee Magaalada Muqdisho, kaasi oo u dhaxeeyay Ciidamo Itoobiyaan ah oo fariisin ku leh Xarunta Warshaddii Baastada iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.

Dagaalka maanta dhacay oo la isugu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa wuxuu sababay dhimashada dad ka badan 10 ruux iyo weliba dhaawac intaas ka sii badan, kuwaasi oo u badnaa dad ay Ciidamada Itoobiyaanka si ula kac ah u toogteen.

Dad goob-joogayaal ah oo ku sugan Xaafado ka tirsan Degmada Huriwaa ayaa waxay sheegeen in ay Ciidamada Itoobiyaanka saaka ku faafeen xaafadaha SOS, Tabliiqa iyo Ceelka Al-Kheyraad oo ka tirsan Degmada Huriwaa, kadibna ay afar Oday oo guryo ilaashanayay ay ku dileen xaafadahaas.

Sida ay ku waramayaan Dad ku sugan Xaafadda Suuqa Xoolaha Ciidamada Itoobiyaanka waxay  maanta adeegsanayeen Madaafiicda Taangiyada laga rido iyo Hoobiyayaasha, kuwaasi oo ay ku garaaceen xaafado ka tirsan Degmada Huriwaa.

Dagaalka maanta ka dhacay xaafadaha Degmooyinka Huriwaa iyo Yaaqshiid oo maalintii labaad galay ayaa wuxuu la xiriiraa dagaal shalay isla xaafadahaas ku dhexmaray Ciidamo Itoobiyaan ah iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda, iyadoo dagaalkaasina uu sababay dhimasho 20 ruux ka badan iyo dhaawac 40 ruux gaaraya, kuwaasi oo haatan lagu daweynayo Isbitaalka Keysaney ee Magaalada Muqdisho.

Wararku waxay intaas ku darayaan in uu jiro barakac ballaaran oo ay sameynayaan Dad Rayid ah oo ku noolaa xaafado ka tirsan Degmooyinka Yaaqshiid iyo Huriwaa, kuwaasi oo ka cararaya in ay waxyeello ka soo gaarto madaafiicda iyo rasaasta ay labada dhinac isku ridyaan.

Dagaalka ka socda Xaafadaha ka tirsan Degmooyinka Yaaqshiid iyo Huriwaa ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo muddo bil ka badan aysan wax dagaallo ah ka dhicin Degmooyinkaas sabab la xiriirta iyadoo Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sugnaa Xeradii Maslax ee Duleedka Suuqa Xoolaha ay halkaas isaga guureen, isla markaana ay ku biireen Ciidamo kale oo Itoobiyaan ah oo ku sugan Xarunta Warshaddii Baastada.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia