Guddiyo ka kala socda Dowladda Federaalka iyo Mucaaradka ka soo horjeeda oo kulankooda ugu horeeya yeelanaya 10-ka Bisha May ee soo socota

Cabirka Farta

Talaado, April 15, 2008(HOL): Dhawaanahan waxaa socday dadaallo ay wadaan Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo Dowladda Jabuuti oo hadda ku soo biirtay dhexdhexaadinta dhinacyada isku haya Soomaaliya, iyadoo dadaalladaasina  ay yihiin kuwo la doonayo in xal loogu helo mushkiladda Soomaaliya, isla markaana lagu heshiisiiyo dhinacyada isku haya.

Sidii aan la wada soconnay dhawaan waxaa magaalada Nairobi ka dhacay kulamo dhexmaray Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Beesha Caalamka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya iyo Beesha Caalamka, iyadoo kulamadaasina ay ahaayeen kuwo lagu uruurinayay aragtida dhinacyada isku haya Soomaaliya ee ku aadan sida xal loogu heli karo Soomaaliya.

Marka laga soo tago kulamadaas Nairobi ka dhacay, haatan waxaa dadaal kale oo midkaas lagu sii kaabayo uu ka socdaa Dalka Jibouti oo uu madaxweynihiisa Ismaaciil Cumar Geelle uu la kulmay mas’uuliyiin ka socotay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Mucaaradka ka soo horjeeda, iyadoo kulamadaasina ay iyana ku tacaluqeen sidii xal loogu heli lahaa mushkiladda Soomaaliya.

Haddaba Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya Shariif Xasan Shiikh Aadan oo maanta u waramayay Idaacadda Horn Afrik ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dadaallada lagu raadinayo xal u helidda mushkiladda Soomaaliya ay meel wanaagsan marayaan, isagoo carrabka ku dhuftay in haatan ay Beesha Caalamka u muuqato mid ay dhab ka tahay xalinta dhibaatada ka taagan Dalka Soomaaliya.

Shariif Xasan Shiikh Aadan waxaa uu sheegay in 10-ka bisha May ee soo socota ay kulamada ugu horeeya isugu imaan doonaan Guddiyo Farsamo oo ka kala socda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dhinacooda, wuxuuna sheegay in ay guddiyadaas qaab farsamo ah uga soo shaqeyn doonaan sidii loo heli lahaa damaanad-qaad ay Soomaaliya uga baxaan Ciidamada Itoobiya iyo sidii markaas kadib ay u qabsoomi lahaayeen kulamo guud oo ay yeeshaan mas’uuliyiinta labada dhinac.

Hadalka uu sii daayay Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo ay jirto rajo wanaagsan oo laga qabo in muddo sanad iyo dheeraad ah kadib la helo qaab aan dagaal ahayn oo lagu xaliyo dhibaatada ka taagan Soomaaliya, waxaana rajadaas laga dheehan karaa hadallo ay bixiyeen Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) iyo Guddoomiyaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo muujiyay in ay doonayaan in wada hadal wax lagu xaliyo.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia