Talaado, April 15, 2008(HOL): Shan Ruux oo rayid ah ayaa dhaawacantay kadib markii gaari ay saarnaayeen oo Mini Bus ah uu rasaas ku furay askari ka tirsan Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Askarigan ayaa gaariga rasaaseeyay kadib markii darawalkii kaxeeynayay gaarig uu diiday in uu dhiibo lacag ay Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka ay ku qaadaan jid gooyo u taala agagaarka Shineemo Banaadir ee Degmada Xamarweyne, taasi oo cadadkeeda uu dhan yahay 2,000 Sh.So.
Mid ka mid ah Dadkii rakaabka ahaa ee gaarigaas saarnaa, isla markaana uu Alle ka badbaadiyay rasaastii gaariga lagu furay ayaa sheegay in rasaastaas uu sabab u ahaa Darawalkii gaariga kaxeynayay oo uu ku tilmaamay kheyru-mas’uul, bacdamaa sida uu yiri uu lacagtii laga doonayay la cararay.
Dadka ku dhaawacmay gaarigaas ayaa kuwii dhaawacooda darnaa waxaa loola cararay Isbitaallada Muqdisho, halka kuwii roonaana laga daweeyay Farmashiyayaal ku yaala Degmada Xamarweyne.
Ma ahan markii ugu horeysay oo Gaari ay saaran yihiin dad Rakaab ah ay rasaas huwiyaan Ciidamo iyo maleeshiyooyin jid-gooyooyin dhigtay Waddooyinka Muqdisho iyo kuwa Gobollada Dalka Soomaaliya, waxaana jiray dhowr jeer oo hore oo Dad Rakaab ah lagu rasaaseeyay Gaari ay saarnaayeen kadib markii Maleeshiyooyinkaas ama Ciidamadaas la siin waayay lacagtii ay jid-gooyada u dhigteen.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia