Talaado, April 15, 2008(HOL): Waxaa maanta albaabada u xiran yihiin goobaha ganacsiga Deegaannada Ceelasha Biyaha ee Gobolka Shabeelaha Hoose, iyadoo Deegaankaasina uu yahay mid ay degan yihiin dadkii ugu badnaa ee ka barakacay Magaalada Muqdisho.
Sababta albaanada loogu laabay goobaha ganacsiga ee ku yaala Deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa lagu sheegay iyadoo ay Ciidamo ka amar qaata Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose oo halkaas ku sugan ay ganacsatada amar ku siiyeen in ay qaataan lacagta duugowday ee Kunka Shilin Soomaaliga ah, iyadoo amarkaasina ay ganacsatada ka doorteen in ay albaabada u laabaan goobahooda ganacsiga.
Hakadka ku yimid ganacsiga Deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa wuxuu saameyn ku yeeshay dadka halkaas ku dhaqan oo weliba u badan kuwo ka barakacay Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo intooda wax iibsan karta ay noloshooda ku tiirsaneyd goobaha ganacsiga ee ku yaala Deegaankaas.
Maalmahan ayaa Suuqyada ku yaala magaalada Muqdisho iyo gobollada u dhow waxaa ka taagnaa xiisad ka dhalatay ganacsatada oo diidan qaadashada lacagta duugowday ee Kunka Shilin, iyadoo ay taasina keentay in ay nolosha ku adkaato dad badan oo aan heli karin wax ay ku bedeshaan lacagta la diidayo oo ay hanti ahaan u heystaan.
Haddaba iyadoo Suuqyada Deegaanka Ceelashada Biyaha iyo Suuqyada Magaalada Muqdisho laga diidayo qaadashada lacagta Duugowday ee Kunka Shilin ayaa ganacsatada ku dhaqan Degmada Buur-Hakaba waxay ogolaadeen saaka qaadashada lacagtaas, iyadoo tallaabadaasina ay si weyn u soo dhaweeyeen dadka ku dhaqan Degmadaas.
Dhanka kalena, waxaan weli si rasmi ah u shaqeyneynin qeybta sarifka lacagaha qalaad ee Suuqa Bakaaraha, kadib markii maalintii dorraad ahayd Sariflayaasha loo dhejiyay warqado digniin ah oo loogu sheegayay in aysan sarifi karin boqolka Doollar wax ka badan 1,500,000 Sh. So, iyadoo wixii amarkaas ka horeeyayna uu qiimaha boqolkii Doollar gaaray 3,000,000 Sh. So.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia