Wasiir cusub oo loo magacaabay Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga

Cabirka Farta

Talaado, April 15, 2008(HOL): Madaxweynaha Somaliland, Md. Daahir Rayaale Kaahin, ayaa Wasiir cusub u magacaabay Wasaaradda Horumarinta Reer Miyiga, kadib markii uu dhowaan xilka ka qaaday Wasiirkii hore ee Wasaaraddaas.

Sida lagu sheegay Warsaxaafadeed uu maanta soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada, Md. Rayaale, waxa uu u magacaabay Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga inuu noqdo Maxamed Hagar Dirir.

Md. Fu’aad Aadan Cadde, wasiirkii hore ee Wasaaraddaas, ayaa xilka laga qaaday kadib markii uu si kulul u dhalliilay Xukuumadda uu ka tirsanaa ee Madaxweyne Riyaale, oo uu ku eedeeyay in aanay jirin wax ay ka qabatay Gobolka Sool. Isla markaana korodhsiimihii la saaray Cashuuraha dalka ee dhamaa 2% Dollar, aanay sidii la rabay u gaadhin Gobolkaas.

Barkhad M. Kaariye  Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland