Waa sidee Xaalada Magaalada Beledweyne iyo guud ahaan Gobalka Hiiraan Saacadihii aynu soo dhaafnay?

Cabirka Farta
Talaado, April 15, 2008(HOL): Magaalada Beledweyne ee xarunta u ah Gobalka Hiiraan ayaa sacadihii aynu soo dhaafnay deganeyd kadib markii ay soo weerareen habeen hore Kooxo hubeysan oo gudaha Magaalada  ku dilay shaqsiyaad Ajaanib iyo Soomaali isugu jiray.
 
Ma jirin wax rasaas ah oo laga maqlay magaalada iyo dilal ka dhacay intaba saacadihii aynu soo dhaafay, waxaana wali cidlo ah Xarumihii Dowlada sida Sadhiga Baliiska, Xabisga dhexe, iyo Xaruntii Maamulka Gobalka kadib markii Mas'uuliyiintii Maamulka Gobalka Hiiraan intooda badan iska casileen xilalkii ay ka hayeen Gobalka.
 
Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed)  ayaa warar soo baxaya sheegayaan in uu u sii gudbay dhinaca Degmada Feer-feer ee dhulka Ismaamulka Itoobiya, kadib markii Ciidamadii Itoobiya ee joogay Maalmihii aynu soo dhaafnay Deegaanka Kala-beyr ay u dhaqaaqeen dhinaca Xadka, lamana oga in Gudoomiyuhu dib ugu soo laaban doono Magaalada iyo in kale.
 
Sariflayaasha Magaalada Beledweyne ayaa saakay ku waabariistay Warqado digniin ah oo oo loogu sheegayo in aysan Sarafi karin boqolka Doollar in ka badan 1,600,000 oo Shilin Soomaali ah, waxaana Warqadaha lagu sheegay in Ciddii u hogaasami weysay digniinta laga qaadi doono tallaabada ku haboon.
 
Degmada Buula-burte ayay wararku sheegayaan in ay soo gaareen Ciidamo Itoobiyaan ah oo ka soo amba baxay Degmada Jowhar ee Gobalka Shabeelada Dhexe, waxaana warku intaas ku darayaa in Ciidamada soo gaaray Degmada Buula-burte oo wata Gadiidka Dagaalka u soo tallaabi doonaan Dhinaca Magaalada Beledweyne  si ay uga qeyb-qaataan sugidda Nabad-galyada oo saacadihii aynu soo dhaafnay ahayd mid aan la isku haleyn karin.
 
Sikastaba arrintu ha ahaatee, Xaaladda Magaalada Beledweyne iyo guud ahaan Gobalka Hiiraan ayaa Saacadihii aynu soo dhaafnay lagu tilmaami karaa mid degan, walow hadana dhab ahaan uusan jirin Maamul si toos ah gacanta ugu haya ammaanka Gobolka oo marba meel ay la wareegayaan Kooxaha ku kacsan Siyaasada Dowlada Federaalka iyo joogitaanka Ciidamada Itoobiya.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia