Xildhibaan Muuse Suudi oo sheegay in uu Nabad iyo Wanaag ka doortay in uu dib u eego dhibaatooyin loo geystay

Cabirka Farta

Talaado, April 15, 2008(HOL):  Xildhibaan Muuse Suudi Yalaxow oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in isaga iyo Xildhibaanno kula jira Baarlamaanka ay ka qeybqaadanayaan dib u heshiisiinta ay waddo Dowladda Federaalka Soomaaliya ee la doonayo in ay ku heshiiyaan Dowladda iyo mucaaradka ka soo horjeeda.

Xildhibaan Muuse Suudi Yalaxow oo u waramayay Idaacadda Horn Afrik ee magaalada Muqdisho waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in Dadka Soomaaliyeed ee ay wax kala gaareen ay iska iloobaan dhibaatadii dhexmartay, isagoo sheegay in uu iska iloobay dhibaato si gaar ah loogu geystay.

“Waan iska iloobay dhibaatadii la ii geystay, waxaa la igu tilmaamay gaal, waxaa la galay oo la burburiyay gurigeyga iyo hanti aan lahaa, hadana ma jirto cid aan wax u heysto oo waan iska iloobay”ayuu yiri Muuse Suudi Yalaxow oo sheegay in uu go’aansaday in uu Nabad iyo Wanaag ka doorto in uu dib u eego dhibaatadii loo geystay.

Xildhibaan Muuse Suudi Yalaxow waxaa wax laga weydiiyay joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee Dalka Soomaaliya, wuxuuna sheegay in ay Ciidamada Itoobiyaanka baxayaan haddii la helo dad Soomaaliyeed oo walaalo ah oo aan is-raadsaneyn oo uu afkooda isu carfayo, wuxuuna ka gaabsaday in uu wax ka sheego Dowladaha Itoobiya iyo Erirtea.

Mar sidoo kale wax laga weydiiyay Xildhibaanka sicir bararka ka taagan Dalka Soomaaliya, waxaa uu sheegay inuu ka xun yahay sicir bararka jira oo sida uu yiri ka dhashay lacago been abuur ah oo qaarkood dalka gudahiisa lagu daabacay, kuwaasi oo la soo geliyay Suuqyada, kadibna sare u qaaday qiimaha Sarifka Lacagaha Qalaad iyo weliba mid Raashinka Quutul-daruuriga ah.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Xildhibaan Muuse Suudi Yalaxow waxaa uu ka mid ahaa Hoggaamiye Kooxeedyadii ay Maxkamadaha Islaamka ka itaalka roonaadeen ee ku mideysnaa Isbaheysigii La-dagaalanka Argagixisada, wuxuuna tan iyo wixii ka dambeeyay markii laga awood roonaaday uu la soo baxay Siyaasad qunyar-socod ah oo aan si muuqata bannaanka u oolin.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia