Xildhibaannada iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda Somaliland oo ka digay in la qaado tallaabooyin lagu colaadinayo Somaliland

Cabirka Farta

Khamiis, January 1, 2026 (HOL) - Qaar kamid ah xildhibaanada iyo Siyaasiyiin ka soo jeeda Somaliland ee ku sugan Muqdisho ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay ka fogaato tallaabooyin saameyn ku yeelan kara dhaqaalaha, isu-socodka iyo amniga dadka ku nool Somaliland.

Bayaan wadajir ah oo ay maanta soo saareen ayay ku sheegeen in tallaabooyinka noocaas ahi aanay wax faa’iido ah u lahayn midnimada qaranka, balse ay sii xumeyn doonaan xaaladda horey u liidatay.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waa inay ka gaabsataa qaadista tallaabooyin wax u dhimaya dhaqaalaha, isu-socodka iyo amniga shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Somaliland, maaddaama tallaabooyin xoog ah aanay marnaba keeni doonin midnimo,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Siyaasiyiintu sidoo kale waxay ku baaqeen in la joojiyo hadallada naceybka ah ee sii kala fogeyn kara shacabka Soomaaliyeed, iyagoo ku baaqay in si nabad ah loo xalliyo khilaafaadka u dhexeeya Somaliland iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya. 

Waxay carrabka ku adkeeyeen in khilaafaadka jira lagu xalliyo wadaxaajood nabadeed, iyagoo ka digay isticmaalka xoog ama cadaadis dhaqaale.

Intaa waxaa dheer, siyaasiyiintu waxay ugu baaqeen Somaliland inay dib ugu soo laabato miiska wadaxaajoodka si loo helo xal waara oo lagu dhammeeyo khilaafaadka jira, iyagoo adkeeyay muhiimadda nabadda, xasilloonida iyo midnimada qaran ee shacabka Soomaaliyeed.