
Khamiis, January 1, 2026 (HOL) - Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa saaxiibada caalamka ayaa saacadahii lasoo dhaafay howlgalo duqeyn ah ka fuliyay deegaanka Jabad Godane ee gobolka Shabellaha Hoose.
Howlgalada duqayn ah ayaa la sheegay iney ahayeen kuwa is xigxigay oo lagu bartilmaameedsaday maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ee ku sugnaa deegaanka Jabad Godane gobolka Shabeellaha Dhexe.
Waraxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa lagu xaqiijiyay in howlgalada lagu dilay 29 xubnood oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Al-shabaab.
Howlgalada duqeynta ah ayaa sidoo kale lagu burburiyay gaadiid iyo hub kooxdu ay qorsheyneysay inay ku fuliyaan falal argagixiso oo ka dhan ah shacabka, iyadoo Wasaaraddu uga mahadcelisay saaxiibada caalamka taageerada joogtada ah ee dhanka iskaashiga amni, xog wadaagga, iyo awood siinta howlgallada dalka looga ciribtirayo kooxda Al-shabaab.
Howlgaladaan ayaa kusoo aadaya, iyadoo maalmahii lasoo dhaafay ciidanka xoogga dalka ay kordhiyeen howlgalada ka dhanka Al-shabaabka ku sugan gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose.
Hoos ka akhriso Warsaxafadeedka kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga oo dhameystiran:-
