
Khamiis, January 1, 2026 (HOL) - Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa si weyn ugu mahadcelisay dhamaan dalalka iyo Ururada Caalamiga ah ee taageeray ka hortaga damaca guracan ee Israa’iil ay ku dooneysay inay ku aqoonsato Somaliland.
War qoraal ah oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa mahadcelin ballaaran loogu jeediyay dalalka iyo hay’adaha caalamiga ah ee sida buuxda Soomaaliya ugu garab istaagay madaxbanaanida, wadajirka iyo midnimada dhuleed ee dalka.
"Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay mahadnaq ballaaran u jeedinaysaa dalalka iyo hay’adaha caalamiga ah ee garab-istaagga iyo taageerada buuxa u muujiyay ilaalinta madaxbannaanida, wadajirka iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya" ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay dowladda.
Mahadcelinta dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa kusoo aadeysa, iyadoo inta badan dalalka Caalamka iyo Ururada Caalamiga ah ay kasoo horjeesteen go'aanka Raysal wasaaraha Israa’iil Netanyahu uu ku sheegay in Somaliland uu u aqoonsaday dowlad ka madaxbanaan Soomaaliya.
Ugu dambeyntii dowladda Soomaaliya iyo Shacabkeeda ayaa si dareen leh uga soo horjeestay go'aanka Israa’iil ee ah in la kala qeybiyo dalka, waxaana tan iyo markii uu soo ifbaxay talaabada Israa’iil ku aqoonsatay Somaliland magaalooyinka kala duwan ee dalka ka dhacaayay banaanbaxyo dadka Soomaaliyeed ku diidan yihiin go'aankaas oo ku tilmaamen mid xadgudub ku ah Qaranimada Soomaaliya.