Puntland oo sheegtay in aysan taageersanayn go'itaanka Somaliland

Cabirka Farta

Khamiis, January 1, 2026 (HOL) - Wasiirka Warfaafinta maamulka Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir, ayaa sheegay, in Puntland aysan waxba ka beddelin mowqifkeeda ku aaddan midnimada Soomaaliya, isla markaana aysan marnaba taageersanayn go’itaanka Somaliland.

Wasiirka oo saxaafadda kula hadlayay magaalada Garowe, ayaa sheegay in Soomaaliya ay haatan wajahdo khataro caalami ah oo ay sabab u tahay sida uu sheegay hoggaan xumo ka jirta dalka, isagoo tilmaamay in quwadaha shisheeye ay hadda ku loo lamayaan dalka.

“Waxaan u baahannahay hoggaan mideeya dalka, haddii aanay jirin hoggaan noocaas ah, ma jiro wax la qaban karo,” ayuu yiri.

Wasiirku wuxuu ka digay faragelinta shisheeye ee Soomaaliya iyo guud ahaan Geeska Afrika, isagoo tilmaamay in ay saameyn ku yeelan karto xasilloonida iyo horumarka dalka. 

Wuxuu si gaar ah uga hadlay doorka dalalka sida Turkiga, Israel, Imaaraatka, Qatar, Itoobiya, Eritrea iyo Masar, isagoo xusay in Soomaaliya ay u baahan tahay midnimo iyo iskaashi gudaha ah si looga hortago saameyntooda.

Dirir waxa uu adkeeyay in Puntland ay taageersan tahay midnimada Soomaaliya, isla markaana ay muhiim tahay in Soomaalidu ay mideysnaato si looga hortago faragelinta shisheeye.

“Faragelinta shisheeye waxay burburin kartaa nidaamka iyo xasiloonida guud ee Soomaaliya, waxaana muhiim ah in Soomaalidu ay mideysnaato,” ayuu yiri.

Inkastoo ay Puntland sheegtay inay ku taagan tahay ilaalinta midnimada Soomaaliya, haddana marnaba wasiirka warfaafintu ma cambaarayn ama masoo hadal qaadin talaabadii Israaiil ay ku aqoonsatay Somaliland.

Dhammaan maamulada kale dalka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa cambaareeyay faragalinta Israaiil ee madax bannaanida Soomaaliya, hase ahaatee, Puntland iyo Jubbaland oo uu khilaaf siyaasadeed kala dhaxeeyo Dowladda Federalaka ayaa noqday labada maamul aan weli caddayn mowqifkooda arrintaas.