
Khamiis, January 1, 2026 (HOL) - Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha ayaa maanta qabatay shir jaraa’id kaddib markii Israa’iil ay si hal dhinac ah ugu dhawaaqday waxa ay ugu yeertay aqoonsiga qayb ka mid ah dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale si cad u muujisay mowqifkeeda rasmiga ah ee ku saabsan midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dalka.
Shirka jaraa’idka waxaa hoggaamisay Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Shiinaha, Dr. Hodan Osman Abdi, oo sheegtay in tallaabadaasi ay ka hor imaanayso sharciga caalamiga ah, isla markaana aan wax saameyn ah ku yeelan karin xaqiiqda sharci ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Danjiraha ayaa carrabka ku adkaysay in Soomaaliya ay tahay dal mideysan oo madax-bannaan, xuduudaheeda caalamigana si rasmi ah loo aqoonsaday tan iyo xornimadii 1960-kii. Qayb kasta oo ka mid ah dhulka Soomaaliya, ayay tiri, waa mid aan laga goyn karin Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mana jirto cid shisheeye ah oo xaq u leh inay wax ka beddesho midnimada ama xuduudaha dalka.
Waxay xustay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, uu arrintan si cad uga hadlay kulan degdeg ah oo ay wada yeesheen labada Aqal ee Baarlamaanka, isaga oo ugu baaqay dhammaan shacabka Soomaaliyeed inay muujiyaan midnimo, feejignaan iyo adkeysi qaran.
Danjiraha ayaa sidoo kale tilmaantay in mowqifkan uu yahay mid ay isku raacsan yihiin hay’adaha dowladda, isla markaana shacabka Soomaaliyeed ay si mug leh u muujiyeen in midnimada qaranku ay tahay arrin aan gorgortan geli karin.
Gabagabadii, Danjire Hodan Osman Abdi ayaa uga mahadcelisay dalalka iyo hay’adaha caalamiga ah ee iyagoo raacaya sharciga caalamiga ah Soomaaliya ku raacay difaaca Gobanimadeeda iyo midnimadeeda iyo wadajirkeeda dhuleed, iyadoo si gaar ah u xustay Dowladda Shiinaha oo si cad u taageertay madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.
