Madaxweyne Xasan Sheekh: Soomaaliya waxay mar walba ku taagnayd in xalka arrimaha Somaliland in loo maro si nabad ah

Cabirka Farta

Khamiis, January 1, 2026 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya mar walba ku taagnayd xallinta arrimaha Somaliland si nabad ah, islamarkaana aysan marnaba adeegsan xoog, ama cadaadis diblomaasiyadeed.

Madaxweynaha ayaa caddeeyay in wadahadal iyo is-afgarad ay yihiin waddada kaliya ee ay dowladda dooratay, si ay ugu qanciso Somaliland inay timaado miiska wadahadalka.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay in Dowladda Turkiga door muhiim ah ka ciyaartay dhexdhexaadinta wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland, isaga oo tilmaamay in kulamo muhiim ah ay dhaceen sanadkii 2015, isla markaana Turkigu weli wakiil ku leeyahay Hargeysa si loo sii wado dadaallada nabadeed.

Dhanka kale, Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay weli haysato taageerada beesha caalamka, isagoo sheegay in adag loo cambaareeyay  aqoonsi sharci-darrada ah oo ay Israa’iil siisay Somaliland.

Wuxuu ka digay in haddii Israa’iil Somaliland u adeegsato saldhig ay ka weerarto danaha dalal kale, ay taasi keeni doonto weerarro ka dhaca Somaliland iyo Soomaaliya, taas oo uu ku tilmaamay khatar weyn oo aan faa’iido u ahayn cidna.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa si cad u diiday in saldhig ciidan oo Israa’iil leedahay laga dhiso Somaliland ama in Falastiiniyiin si qasab ah halkaas loogu raro, isagoo sheegay in tallaabooyinkaas ay sii hurinayaan colaadda isla markaana si buuxda uga hor imanayaan rabitaanka dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.