1/8/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 4 , 2025
Dowladda Soomaaliya oo soo dhoweysay maamulka cusub ee Syria

Sabti, January 4, 2025 (HOL) - Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Macalim Fiqi oo wareysi siiyay Al Jazeera ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay soo dhoweeyneeyso isbadalka ka dhacay dalka Syria iyo maamulka cusub waxaana uu rajo wanaagsan uu ka muujiyay in goor dhow safxad cusub u furmi doono xiriirka Soomaaliya iyo Syria.

"Arrintaasi waanu ku gudo jirnaa warqad aanu u dirnay wasiirka cusub ee arrimaha dibadda Suuriya, waxaanu rajaynaynaa in aanu kulan saaxiibtinimo la yeelano, Waxaan aaminsanahay in isbedelka ka dhacaya Suuriya uu u sahli doono malaayiin dadkeeda ah inay ku noqdaan dalkooda oo ay ku noolaadaan xorriyad iyo ammaan." ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Macalim Fiqi ayaa shaaca ka qaaday in shacabka Soomaaliyeed ay ixtiraam u hayaan Suuriya iyo dadkeeda.

"Waa dalka kaliya ee Carbeed ee aqoonsaday Baasaboorka Soomaaliga kadib burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya 1991-kii, oo xitaa ogolaaday in muwaadiniinta Soomaaliyeed ay galaan,Safaarada Soomaaliya ee Dimishiq waligeed ma xirmin xattaa xiliyadii dhawaanahan ay xiisadi ka taagneyd, waxaana dhawaan booqan doonaa Dimishiq." ayuu yiri Fiqi Wareysiga uu siiyay Al Jazeera.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in uu aaminsanahay in hogaamiyaha maamulka cusub ee Suuriya Axmed Al-Sharaca uu si wanaagsan u maareynayo arrimaha siyaasada, kana shaqeynayo ilaalinta midnimada shacabka Suuriya.