1/8/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 4 , 2025
Ra'iisul Wasaare Cumar Cabdirashid oo ku baaqay in Dowlad Goboleedyada laga taageero Dagaalka Argagixisada
 

Sabti, January 4, 2025 (HOL) - Ra'iisul Wasaarihii hore Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay xoojiso taageerada ay siiso dhammaan Dowlad Goboleedyada dalka dhinaca la dagaalanka argagixisada.

Barta uu ku leeyahay X ayuu kusoo qoray Cumar Cabdirashiid "Dowladda federaalku waa inay u muujisaa taageero siyaasadeed iyo mid amni oo ku wajahan dhammaan Maamul Goboleedyada si meesha looga saaro khataraha argagixisada ka hor inta uusan dhammaan 2025".

Hadalka Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa kusoo beegmaya iyadoo Afar maalmood ka dib markii ciidamada ammaanka Puntland ay fashiliyeen weerar ay soo qaadeen Daacish, oo ay ku cirib tireen 12 dagaalyahan oo Ajaanib ah oo aysan wali Dowladda Federaalka Soomaaliya weli bogaadinin ama taageerin dadaalka Puntland.

Ka aamusnaanta Dowladda Federaalka dagaalkii Puntlanad iyo Daacish waxay hoosta ka xariiqday khilaafka siyaasadeed ee daba dheeraaday ee u dhexeeya Puntland iyo dawladda, kaas oo soo jiray ilaa December 2022, kaas oo ka dhashay wax ka beddelka dastuurka.

Dadka dhaliila Siyaasadda dowladda Federaalka ayaa ku doodaya aamusnaanta Dowladda in ay meesha ka saarayso kalsoonida shacabka, isla markaana ay walaac xooggan ka abuurayso qorshaha Dowladda ee la dagaalanka argagixisada.