Sabti, January 4, 2025 (HOL) - Madaxweynaha Masar, Abdel Fattah El-Sisi iyo dhiggiisa Uganda, Yoweri Museveni, ayaa ka wada hadlay Jimcihii dadaallada lagu xasilinayo Soomaaliya iyo xabbad-joojin laga sameeyo dalka ay deriska yihiin ee Suudaan.
Madaxtooyada Masar ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay ku sheegtay in Al-Sisi uu khadka taleefoonka kula hadlay Museveni, iyagoo ka wada hadlay xaaladda Soomaaliya, waxayna muujiyeen sida ay uga goantahay in Soomaaliya ku garab istaagaan madaxbannaanida, iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.
Labada dhinac waxay carrabka ku adkeeyeen, sida lagu sheegay bayaanka, "lama huraannimada isuduwidda doorka muhiimka ah ee hawlgalka cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya si uu u taageero dowladda Soomaaliya."
Bishii August ee la soo dhaafay, Safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaahira, Cali Cabdi Awaare, ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in qalab iyo ciidan Masar ay soo gaareen caasimadda Muqdisho, si ay ugu diyaar garoobaan ka qeybgalka Masar ee ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) oo la qorsheeyay in sanadkaan uu bilowdo maadama mesha ay ka baxday howlgalkii (ATMIS).
Dabayaaqadii bishii Sebtembar, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar ayaa bayaan ay soo saartay ku xaqiijisay in shixnad gargaar ah oo katimid Masar ay soo gaareen Muqdisho, taasoo lagu taageerayo ciidamada Soomaaliya, laguna dhisayo awoodooda.