Sabti, January 4, 2025 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo galinkii dambe ee Shalay dhexmaray ciidanka Macawiisleeyda gobolka Hiiraan iyo xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab, kaasoo ka dhacay deegaan hoostaga degmada Buula burte.
Dagaalka si gaar ah uga dhacay deegaanka Cadow Gureey oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Buula burte ee gobolka Hiiraan, waxaana la sheegay in halkaasi uu ka dhacay dagaal qaatay ku dhawaad hal saac oo xiriir ah.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidanka Macawiisleeyda ay weerar ku qaadeen xubno ka tirsan kooxda oo isku aruursanaayay dhul howd ah oo ku yaala deegaanka Cadow Gureey, waxaana lasoo warinaya in dagaalka uu ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac kala gaaray labada dhinac, hayeeshee lama xaqiijin karo khasaaraha rasmiga ah.
Sarkaal u hadlay ciidamada deegaanka ayaa sheegay iney buuxda ula wareegeen gacan ku haynta deegaanadii ay isku aruursanayeen kooxda Al-shabaab, islamarkaana sidoo kale khasaare xoogan ay gaarsiiyeen.
Ugu dambeyntii xubnaha kooxda Al-shabaab ayaa inta badan kasoo talaabo wabiga Shabeelle, maadama inta badan deegaanada iyo degmooyinka gobolka Hiiraan ee dhaca Bariga gobolkaas horay looga xureeyay kooxda.