Sabti, January 4, 2025 (HOL) - Waxaa aad u sii kordhaya siyaasiyiinta iyo Xildhibaanadda deegaan doorashadoodu tahay maamulka Hirshabeelle ee sida weyn u dhaliilaya Hoggaanka maamulkaas Cali Guudlaawe iyo Yuusuf Dabageed.
Xildhibaan Maxamed Ibraahin Macalimuu oo ka mid ah Xildhibaanadda laga soo doorto Hirshabeelle ayaa si weyn ugu eedeeyay maamulka Hirshabeelle waxqabad la’aan iyo dib u dhac dhan kasto ah.
War qoraal ah uu soo saaray Xildhibaanka ayuu ku dhaliilay Madaxweynaha maamulkaas Cali Guudlaawe hoggaan xumo iyo inuu la haray Hirshabelle.
”Hirshabelle waxaa la haray Hogaan xumo eber ka hooseeysa, Horukac la’aan heer kasta, Iyo dadkeedii oo qeybsan oo aan hishiis aheyn" ayaa ku yiri qoraalka uu soo Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimuu bartiisa Facebook.
Warkaan uu soo saaray Xildhibaan Maxamed Ibraahin Macalimuu ayaa kusoo aadaya, iyadoo marar badan sidaan oo kale loogu eedeeyay madaxweynaha Hirshabeelle inuu ku fashilmay hoggaaminta dadkii doortay, waxaana sidoo kale maamulkan ku tilmaamaan siyaasiyiinta iyo xubnaha mucaaradka ku ah inuu yahay maamulada dalka ka jira midka ugu hooseeya.
Ugu dambeyntii jiritaanka maamulkaaan waxaa si weyn uga soo horjeeda dadka reer Hiiraan oo tabasha xoogan ka qaba hanaanka awood qeybsiga maamulkaas tan iyo markii la aas aasay ee dabayaaqadii sanadkii 2016-kii.