Yuusuf Dabageed oo loo doortay madaxweyne ku-xigeenka Dowlad gobolleedka Hirshabeelle

Arbaco, November, 11, 2020
(HOL)-Waxaa goor dhaw soo dhamaatay doorashada madaxweyne ku-xigeenka dowlad
gobolleedka Hirshabeelle oo noqonaya Yuusuf Axmed Hagar Daba-geed.
Yuusuf Daba-geed ayaa ku guuleystay 87 cod halka musharixii la tartamayay Maxamed
Maxamuud Cabdulle [Maxamed Dheere] uu helay 12
cod dhamaan 99 kii xildhibaan ee codadkooda dhiibtay.
Xildhibaannada ayaa horey xilka madaxweynaha Dowlad gobolleedka
Hirshabeelle u doortay Cali Cabdullaahi Xusseen Guudlaawe oo horey madaxweyne
ku-xigeen uga ahaa maamulkan.
Yuusuf Dabageed ayaa dhowr
jeer oo hore guddoomiye ka soo noqday gobolka Hiiraan, waxaana uu hadda ka mid
ahaa xubnihii sida weyn u taageeray dhismaha labaad ee dowlad gobolleedka
Hirshabeele.
Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com