Mahdi Guulleed'' Maxey ku kala duwan yihiin guddiyadii doorashada 2016ka iyo kan 2020ka, kalsooni darro ayaa muuqata

Arbaco, November, 11, 2020 (HOL)-Xukuumadda
Soomaaliya ayaa arin u muuqata kalsooni darro iyo quus ku tilmaamatay
war-murtiyeedkii ka soo baxay qaar ka mid ah musharixiinta u taagan
qabashada madaxweyne ee doorashada
2020-21ka.
Ra’iisal wasaar ku-xigeenka Xukuumadda
Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa sheegay in uu la yaabay warka ka
soo baxay musharixiinta ee ka dhanka ahaa guddiyada doorashada isaga oo ku
macneeyay arintaa in ay u eg tahay kalsooni darro ka muuqata musharixiinta
war-murtiyeedka soo saaray.
Mahdi ayaa su’aal galiyay farqiga u dhaxeeya guddigii
doorashada 2016kii iyo kan maanta 2020 ‘’ waa maxay faraqa
u dhaxeeya Guddigii Doorashada heer Federaal iyo Somaliland ee 2016 iyo kuwa
2020 oo ay labadaba kasoo dhex muuqdeen wiilal iyo gabdho Soomaaliyeed oo
labada xafiis u kala shaqayn jiray ama shaqeeya” ayuu yiri.
Musharixiinta u taagan
doorashada xilka madaxweynaha Soomaaliya doorashada 2020-21 ayaa qoraal ay soo
saareen ku sheegay in aan wax kalsooni ah lagu qabi karin guddiyada ay dowladdu
u saartay doorashada oo ay ku tilmaameen xubno isugu jira Askar iyo shaqaale
dowladdeed.
Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com