Wararkii ugu danbeeyay dagaalka gobolka Tigrayga ee dalka Itoobiya

Arbaco, November, 11, 2020 (HOL)-
Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in ay ku dishay dagaalka ka soconaya Ismaamulka
Tigrayga ee Waqooyiga dalkaasi 550 xubnood oo ka tirsan xoogga u dagaalamaya
TPLF.
Guud ahaan dagaalkan ayaa lagu
waramayaa in uu geystay khasaare ballaaran oo soo kala gaaray dhinacyada
dagaalamaya iyo barkaca dadka shacabka oo hadda hay’addaha calaamku ka
deyrinayaan xaladooda nolaleed.
Saraakiisha federaalka
Itoobiya ayaa waxaa ay sheegeen in la xiray 17 sargaal oo ka tirsan militariga,
islamarkana lagu eedeeyay in ay qeyb ka ahaayeen shirqoolkii toddobaadkii aanu
soo dhaafnay lagu weeraray saldhig militari oo ku yaalla waqooyiga Itoobiya.
Midowga Africa ayaa ku baaqay
in la joojiyo dirirta ka socda gobolka iyaga oo taa badalkeeda ku baaqay in
khilaafka taagan lagu dhameeyo wada hadal iyo nabad.
Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com