
Arbaco, November, 11, 2020 (HOL)-Magaalada Jowhar ee xarunta Dowlad Gobolleedka Hirshabeelle waxaa maanta lagu waddaa in ay dhacdo doorashada madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa dowlad gobolleedka Hirshabeelle.
newsinsideXilka madaxweynaha waxaa isku soo taaggay oo ay maanta xildhibaannada kala dooran doonaan Cali Maxamed Xusseen Guudlaawe iyo Cabdiraxmaan Jimcaale Cismaan, halka madaxweyne ku-xigeenkana ay ku tartami doonaan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed iyo Maxamed Maxamuud Cabdullee [Maxamed Dheere]
Xildhibaannada ayaa maalintii shalay dhageystay khudbadaha musharixiinta oo mid walba uu soo bandhigay wax khabadkiisa haddii loo doorto xilka uu u tartamayo.
Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]