Cali Guudlaawe oo noqonaya madaxweynihii saddexaad ee dowlad Gobolleedka Hirshabeelle
Arbaco, November, 11, 2020
(HOL)- Cali Cabdullaahi Xusseen Cali Guudlaawe ayaa goor dhaw loo doortay
madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle doorasho ka dhacday magaalada
Jowhar.
Cali Guudlaawe ayaa helay 86 cod halka musahrixii la tartamayay
Cabdiraxmaan Jimcaale Cismaan uu helay uu helay cod 13 guud ahaan 99 xildhibaan ee codadkooda dhiibtay
Madaxweynaha saddexaad ee
dowlad gobolleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe ayaa horeyba loo sii saadaalinayay
in uu ku soo bixin doono doorashadan oo ay goob joog ka ahaayeen Wasiirro iyo
Xildhibaannno ka tirsan Dowladda dhexe ee federaalka.
Goor dhaw ayaa lagu waddaa in
loo gudbo doorashada madaxweyne ku-xigeenka oo ay ku tartami doonaan Yuusuf
Axmed Hagar –Dabageed iyo Wasiir hore Maxamed Maxamuud Cabdulle [Maxamed
Dheere]
Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com