Arbaco, February 04, 2009(HOL): Marakab nooca dagaalka ah ayaa saaka goor sii horeysay soo gaaray meel aan sidaa uga fogayn xeebta magaalada Boosaaso ,iyadoo ay jiraan diyaarado nooca dagaalka ah oo ku duulaya joog hoose ,kana soo dul kacaya markabkaasi.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in markabkaan uu daba socdo kooxo Burcad Badeed Soomaali ah oo habeenkii xalay soo afduubtay markab laga leeyahay Dalka Imaaraatka Carabta ,kaasi oo lagu magacaabo Jugawara 2.
Wasiir ku xigeenka dekedaha DGPL oo wax laga waydiiyay markabka soo gaaray xeebta Boosaaso ayaa ka gaabsaday in uu faahfaahin ka bixiyo Markabka iyo diyaaradaha ka soo dul kacaya ee dul heehaabaya hawada Boosaaso
Inkatoo la maqlayo guuxa diyaaradaha ka soo dul kacaya markabkaasi ayaa hadana shacabka magaalada Boosaaso waxay u daawasho tageen dhismayaasha dhaa dheer ee magaalada si ay u arkaan muuqaalka markabkaasi soo gaaray xeebta Boosaaso.
Dhawaan ayay ahayd markii xeebaha degmada Baargaal ay soo gaareen maraakib laga leeyahay dalka France ,kuwaasi oo loo keenay in burcadda ay ka hortagaan ,mana jirto wax is-badal ah oo ku dhacay af-duubka Burcad badeedka ku hayaan Maraakiibta iyo Doomaha ku socdaala Xeebaha Soomaaliya.
Faysal Maxamed Xasan (Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bosaso, Somalia
Markab nooca dagaalka ah oo soo gaaray Xeebta Boosaaso iyo maamulka Puntland oo arintaasi ka gaabsaday
Cabirka Farta
More News
- Agaasimihii Idaacadda Horn Afrik oo la dilay
- Madaxweynaha Soomaaliya oo Jibouti ku laabtay
- Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya oo beeniyay war ay sii deysay mid ka mid ah Warbaahinta Soomaalida
- Ould Abdallah oo is-barbar dhigay Warbaahinta Soomaaliya iyo Radio Mille Collines oo buun-buuniyay Xasuuqii Rwanda
- Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo soo dhaweeyay doorasahda madaxweynaha cusub ee Soomaaliya
- Afar ka mid ah Kooxaha ka dagaallamaya Soomaaliya oo sameystay Xisbi ay ku mideysan yihiin
- Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo baaritaan kadib warbixin ka soo saaray dad rayid ah oo dorraad lagu laayay Wadada Maka Al-Mukarrama
- Odayaal iyo Waxgarad ku sugan Magaalada Beledweyne oo ka codsanaya Dowladda Itoobiya in ay Ciidamadeeda ka saarto Goballka Hiiraan