Arbaco, February 04, 2009(HOL): Odayaal iyo Waxgarad ku sugan Magaalada Beledweyne ayaa si kulul Jawaab uga bixiyay soo galintaan Ciidamo Itoobiyaan ah oo fariisin ka sameytay deegaanka Kala-beyr oo qiyaastii 25-km u jirta Magaalada Beledweyne.
Odayaasha ayaa qoraal ay si wada jir ah u soo saareen waxaa ku eedeeyeen Dowladda Itoobiya in ay wali ka wado qeybo ka mid ah gudaha Dalka Soomaaliya faragalin dhinaca Nabad-galyadda ah xili sida qoraalka lagu sheegay dalka Soomaaliya uu yeeshay Nidaam cusub oo uu Madaxweyne ka yahay Shiikh Shariif Shiikh Axmed.
"Dowladda Itoobiya waa in ay xushmeysaa hishiiskii dalka Jabouti ee ugu danbeytii lagu soo dhisay Dowladda wadaaga ah oo ay ku wada jiraan Xubnihii ka kala tirsanaa Dowladda Federaalka iyo Isbaheysigii dib u xoreynta ee uu hogaamin jiray Madaxweynaha maanta Shiikh Shariif Shiikh Axmed, waana in sida ugu dhaqsiyaha badan Dowladda Itoobiya Ciidamadeeda uga saartaa gudaha Goballka Hiiraan maadaama aysan jirin arin qasbi karta in Ciidamadu gudaha u soo galaan Goballka ayaa lagu yiri Qoraalka oo dhinaca kale si aan cad loogu muujiyay in Dowladda Itoobiya dusha saaran doonto cawaaqibka arintaa ka dhasha.
Odayaashu waxaa kaloo ay sheegeen in ay ka warqabaan dhibaatada ay ku hayaan dadka Safarka ah Ciidamo Soomaali ah oo la sheegay in wehliyaan kuwa Itoobiya ee ku sugan deegaanka Kala-beyrka taasoo ah arin ay raali ka yihiin sida hadalka loo dhigay Saraakiisha Ciidamada Itoobiya.
"Gobalka waxaa gacanta ku haya Maamul Islaami ah oo aan marnaba raali ka noqon doonin dhibaatada ka jirta deegaanka Kala-beyr, Odayaashuna mar walba waa kuwa hortaagan iska horimaad dhaxmara labada dhinac marka waa in Saaraakiisha Itoobiya sidaa gartaan.
Qoraalka ay soo saareen Odayaasha ayaa waxaa uu ku soo beegmay maalin uun kadib markii ay Saaraakiisha Maamulka Islaamiga ah Goballka Hiiraan sheegeen in ay weerari doonaan Ciidamada Itoobiya hadii aysan isaga bixin gudaha Goballka Hiiraan.
Soo galintaanka Ciidamada Itoobiya ee Goballka Hiiraan ayaa waxaa ay ka yaabisay in badan oo ka mid ah dadka ku dhaqan Goballka Hiiraan, maadaama Dowladda Itoobiya horay u sheegtay in Ciidamadeedu dhamaan ka soo wada baxeen Dalka Soomaaliya.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia
Odayaal iyo Waxgarad ku sugan Magaalada Beledweyne oo ka codsanaya Dowladda Itoobiya in ay Ciidamadeeda ka saarto Goballka Hiiraan
Cabirka Farta
More News
- Markab nooca dagaalka ah oo soo gaaray Xeebta Boosaaso iyo maamulka Puntland oo arintaasi ka gaabsaday
- Agaasimihii Idaacadda Horn Afrik oo la dilay
- Madaxweynaha Soomaaliya oo Jibouti ku laabtay
- Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya oo beeniyay war ay sii deysay mid ka mid ah Warbaahinta Soomaalida
- Ould Abdallah oo is-barbar dhigay Warbaahinta Soomaaliya iyo Radio Mille Collines oo buun-buuniyay Xasuuqii Rwanda
- Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo soo dhaweeyay doorasahda madaxweynaha cusub ee Soomaaliya
- Afar ka mid ah Kooxaha ka dagaallamaya Soomaaliya oo sameystay Xisbi ay ku mideysan yihiin
- Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo baaritaan kadib warbixin ka soo saaray dad rayid ah oo dorraad lagu laayay Wadada Maka Al-Mukarrama