Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo baaritaan kadib warbixin ka soo saaray dad rayid ah oo dorraad lagu laayay Wadada Maka Al-Mukarrama

Cabirka Farta

Arbaco, February 04, 2009(HOL): Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa wuxuu soo bandhigay natiijada baaritaan uu ka sameeyay sidii ay ku dhacday dad rayid ah oo ay Ciidamada Amisom dorraad si bareer ah ugu toogteen Wadada Maka Al-Mukarrama ee Magaalada Muqdisho.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen. Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in baaritaanka ay sameeyeen ay ku ogaadeen in 13 ruux oo rayid ah ay ku geeriyoodeen rasaas ay fureen Ciidamada Amisom ee ku sugan Wadadaas, 23 kalena ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen.

“Shilkaas wuxuu dhacay kadib markii Kolonyo Ciidamada Amisom ah oo marayay meel u dhaxeysa Shineemo Soomaaliya iyo Hotel Ambassador qarax lagu weeraray, kadibna ay rasaas fureen ciidamo saarnaa gaarigii ugu horeeyay ee uu qaraxa haleelay”ayuu yiri Jen.C abdi Qeybdiid oo intaas ku sii daray in ay iyana rasaas tiro badan oo waxyeello geysatay ay fureen ciidamo ka dambeeyay gaariga qaraxa haleelay.

Jen. Cabdi Qeybdiid waxaa uu sheegay in Saraakiisha Ciidamada Amisom ay aad uga xumaadeen markii ay warbixinta baaritaanka u geeyeen, “ayagana waxay noo sheegeen in ay baaritaan sameyn doonaan, kadib cidda uu falkaas ku cadaado oo ciidamadooda ka mid ahna ay tallaabo qaadi doonaan”ayuu mar kale yiri Cabdi Qeybdiid.

 “Aniga oo ka faa’iideysanaya fursaddan waxaan tacsi u dirayaa qoysaskii iyo qaraabadii ay dadka dhintay ka geeriyoodeen, sidoo kalena Saraakiisha Ciidamada Amisom waxay iyana tacsi u direen qoysaska dadkii geeriyooday”ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Jen. Cabdi Qeybdiid waxaa uu ugu baaqay dadka Soomaaliyeed in ay is-dejiyaan, isla markaana ay sugaan inta ay warbixinta ugu dambeysa ka soo saarayaan Saraakiisha Ciidamada Amisom, wuxuuna ugu baaqay dadka in ay iska qabtaan dadka dhexdooda qaraxyada ka geysanaya ee dhibaatada u soo jiidaya.

Hadalka uu sii daayay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen. Cabdi Qeybdiid ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo dorraad ay Ciidamada Amisom dad rayid ah ku dileen Wadada Maka Al-Mukarrama, iyadoo la xusuusan yahay in Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir C/fataax Shaawey uu sheegay in ay Ciidamada Amisom ay si bareer ah madaxa uga toogteen dad gaaraya 39 ruux, taasi oo aad uga badan tirada uu baaritaanka ku soo saaray Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia