Arbaco, February 04, 2009(HOL): Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa wuxuu soo dhaweeyay doorashadii madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo sidoo kale ballaarintii la ballaariyay Baarlamaanka Soomaaliya oo haatan ay ku wada mideysan yihiin Dowladdii Federaalka iyo mucaaradkii ka soo horjeeday.
Shirka uu yeeshay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo uu shir guddoominayay Madaxweynaha bishan Yukio Takasu oo ah Safiirka UN-ka u fadhiya Dowladda Japan ayaa waxaa lagu amaanay dhinacyada Soomaalida ah ee ka qeybqaatay wada hadalladii Jibouti ee ay ka soo baxday Dowladda Midnimada Qaran, sidoo kalena waxaa ammaan loogu jeediyay shirkaas Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Ahmedou Ould-Abdallaah iyo Madaxweynaha Jibouti Ismaaciil Cumar Geelle oo dadaal dheeraad ah u galay sidii ay miro uga soo bixi lahaayeen wada hadalladii Jibouti.
“Xubnaha Golaha Ammaanka waxa ay si cad u sheegeen in ay si xooggan u taageerayaan geedi socodka nabadda Soomaaliya, gaar ahaan tallaabada dhinaca siyaasadda loo qaaday, waxayna xubnaha golaha ammaanka ugu baaqeen madaxweynaha cusub ee Soomaaliya in uu sida ugu macquulsan u soo dhiso Xukuumad Midnimo-Qaran”ayaa lagu yiri war-murtiyeed uu soo saaray madaxweynaha xiligan ee Golaha Ammaanka Mr. Yukio Takasu .
Sidoo kalena Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay wuxuu ugu baaqay dhamaan Soomaalida in ay taageeraan Dowladda Federaalka Soomaaliya, si loo sii wado nabadda iyo Dib u heshiisiinta bilaabatay.
“Xubnaha Golaha Ammaanka waxay si weyn u ammaaneen Ciidamada Amisom oo ay sheegeen in ay howl muhiim ah ka hayaan Soomaaliya”. “Xubnaha Golaha Ammaanka waxay walaac ka muujiyeen xaaladaha bani’aadannimo ee ka jirta Soomaaliya, waxayna cambaareeyeen weerarrada lagu qaado shacabka, Amisom iyo dadka ka shaqeeya howlaha bani’aadannimada”ayaa lagu yiri War-murtiyeedka uu soo saaray Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.
Axaddii aynu ka soo gudubnay Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Mr. Ban Ki-moon oo kulan la qaatay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa wuxuu ballanqaaday in ay Qaramada Midoobay taageereyso Dowladda cusub ee Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia