Afar ka mid ah Kooxaha ka dagaallamaya Soomaaliya oo sameystay Xisbi ay ku mideysan yihiin

Cabirka Farta

Arbaco, February 04, 2009(HOL): Afar ka mid ah Kooxaha ka dagaallama Soomaaliya ayaa waxay sameysteen Xisbi ay ku mideysan yihiin, waxayna kooxaha midoobay kala yihiin Maxkamadaha Islaamka Garabka Dr. Cumar Iimaan Abuu Bakar, Dugsiga Raas-kambooni, Jabhul Islaamiya iyo Dugsiga Caanoole.

Shiikh Xasan Mahdi oo u hadlay Kooxahan midoobay ayaa sheegay in Xisbigooda oo lagu magacaabo Xisbul-Islaam ay ku dhawaaqeen kadib markii ay muddo labo bilood ah ay shirar lahaayeen, ugu dambeyntiina ay ku shaaciyeen xisbiga shir muddo todobaad ka badan u socday.
 
Shiikh Xasan Mahdi waxaa uu sheegay in ay ka midoobeen maskaxda, maalka iyo cududda, wuxuuna sheegay in ay haatan kadib si wada jir ah uga qeyb-qaadan doonaan jihaadka dalka looga xoreynayo Ciidamada Shisheeye. Shiikh Xasan Mahdi waxaa uu sheegay in Xisbigooda uu Guddoomiye ka yahay Dr. Cumar Iimaan Abuu Bakar.

“Shirkaas Maxkamadaha waxaa u joogay Dr. Cumar Iimaan Abuu Bakar, Dugsiga Raas-kambooni waxaa u joogay Shiikh Xasan Turki, Jabhul Islaamiyah waxaa uu joogay C/qaadir Kumaandoos, Dugsiga Caanole-na waxaa u joogay Maxamed Mire”ayuu yiri Shiikh Xasan Mahdi.

Ugu dambeyntiina, Xisbiga ay ku dhawaaqeen afartan kooxood ee ka dagaallama Soomaaliya ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo dhawaan madaxweynaha Soomaaliya loo doortay Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo markii la doortay kadib sheegay in ay dowladdiisa wada hadallo la geli doonto dhinacyada sheegay in ay dagaallada sii wadayaan oo ka soo horjeeda dowladdiisa.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia