Talaado, February 03, 2009(HOL): Dowladda Uganda ayaa shaaca ka qaaday in ay baareyso eedeymo loo soo jeediyay Ciidamadeeda ku sugan Muqdisho ee magaca Amisom uga howlgelaya Soomaaliya, taasi oo ah in ay si bareer ah u toogteen Dad Rayid ah, kadib qarax miino oo lala eegtay.
Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Uganda Dr. Cryspus Kiyonga ayaa sheegay in Dowladdiisa ay guddoontay eedeymahaas, ayna baareyso si ay u hesho faah-faahinta dhabta ah, si ay markaas jawaab uga bixiso eedeymaha loo soo jeediyay.
Wasiirkan u hadlay Dowladda Uganda waxaa uu sheegay in ay weydiiyeen taliyaha Ciidamadooda ku sugan Soomaaliya Maj. Francis Okello in uu soo baaro dhacdada, uuna warbixin ku soo celiyo Magaalada Kampala sida ugu dhaqsiyaha badan.
Dr. Cryspus Kiyonga, Wasiirka Gaashaandhigga Uganda waxaa uu sheegay in Ciidamada nabad ilaalinta ah ee ku sugan Soomaaliya ay u xaqiijiyeen in aysan wax toogasho ah geysan. Wasiirka waxaa uu u sheegay maanta Wariyayaal ku sugan Magaalada Kampala in Ciidamada nabad ilaalinta Uganda oo waajibaadka shaqo gudanaya qarax lagu soo weeraray, uuna hal askari ka dhaawacmay.
Wasiirka oo ka sii hadlayay xog ka soo gaartay Muqdisho waxaa uu sheegay in Bamka lagu soo weeraray Ciidamadooda ay ku dhaawacmeen xoogaa dad rayid ah, kuwaasi oo uu sheegay in aan weli tiro rasmi ah laga helin.
Laakin Warar ka imaanaya Soomaaliya ayaa waxay tilmaamayeen in Ciidamada Uganda ay rasaas ku fureen kadib markii bam lagu tuuray, iyagoo halkaasna ku dilay 16 ruux oo rayid ah. Dr. Cryspus Kiyonga waxaa uu sheegay in aaney jirin sabab ay Ciidamada Uganda rasaas uga furi karaan dad rayid ah oo aan waxba galabsan.
Ugu dambeyntiina, Wasiirka Gaashaandhigga Uganda waxaa uu weydiistay Uganda iyo Beesha Caalamka in ay sugaan warbixinta rasmiga ah ee ka soo bixi doonta dhacdadaas, taasi oo ay si dhaqso ah u sii deyn doonaan Dowladda Uganda iyo Amisom.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia