Talaado, February 03, 2009(HOL): Madaxdii isugu timid ka qeybgalka shirkii 12aad ee Midowga Afrika ayaa waxay si weyn u soo dhaweeyeen doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa intii uu socday shirkaas waxaa uu la kulmay madaxda urur goboleedka IGAD ee ay Soomaaliya xubinta katahay, sidoo kalena waxaa uu la kulmay madaxweynaha Liibiya Col. Mucamar Al-Qadaafi oo loo doortay Guddoomiyenimada Midowga Afrika iyo weliba madax kale oo uu ku jiro Madaxweynaha Burundi.
Shirka dhexmaray madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxda Ururka IGAD ayaa waxaa looga hadlay arrimo ku saabsan sidii ay isu kaashan lahaayeen dalalka IGAD, iyadoo si gaar ahna diiradda loogu saaray ammaanka gobolka.
Waxaa uu sidoo kale la kulmay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Mr. Ban Ki-moon iyo Xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta, waxayna labadaba ka wada hadleen xaaladda dalka Soomaaliya iyo sida ay Qaramada Midoobay iyo Jaamacadda Carabta ay kaalin uga geysan karaan garab-gelidda dowladda cusub ee Soomaaliya.
Shirka Midowga Afrika oo maanta soo gebageboobaya ayaa marka uu soo idlaado waxaa uu madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ku soo noqon doonaa Magaalada Djibouti, iyadoo kadibna uu bilaabi doono wadatashi ku saabsan Ra’iisal Wasaaraha uu soo magacaabayo.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia