Talaado, February 03, 2009(HOL): Kalluumeysata ka jilaabta Xeebaha Muqdisho ayaa waxay ka cabanayaan rasaas ay ku furaan ciidamada Amisom ee ilaalada ka haya Xeebaha Muqdisho, gaar ahaan inta u dhaxeysa Garoonka Diyaaradaha iyo Dekedda weyn ee Muqdisho.
C/risaaq Maxamed Jaamac oo ka mid ah kalluumeysata cabanaya ayaa wuxuu sheegay in Ciidamada Amisom ay rasaas ku furaan marka ay u soo dhawaadaan Xeebaha Muqdisho, wuxuuna sheegay in jireen qaar ka mid ah Kalluumeysata oo u geeriyooday rasaas ay fureen Ciidamadaas.
“Markii hore waxay nagu amri jireen in aanan u soo dhawaanin Xeebta, laakin hadda waxay bilaabeen in ay na rasaaseeyaan, waxayna nagu soo tuuraan rasaas ka dhaceysa qoryaha dhashiikaha iyo B10-ka”ayuu yiri C/risaaq Maxamed Jaamac.
C/risaaq Maxamed Jaamac waxaa uu sheegay in ay u kalluumeysi tagaan inta u dhaxeysa Muqdisho, Jaziira ilaa Dhanaane, wuxuuna caddeeyay in ay badweynta maraan si ay u soo jilaabtaan, “saacad iyo bar ayay markii hore nagu qaadan jirtay, laakin hadda waxay nagu qaadataa 4 saacadood inta aan u soconeyno Liido iyo Jaziira, waxaana taasi noogu wacan iyadoo aan mareyno badweyne”ayuu mar kale yiri C/risaaq Maxamed Jaamac.
Ciidamada Amisom ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa waxaa si xooggan u ilaaliyaan Xeebta Muqdisho, gaar ahaan inta u dhow Dekedda iyo Garoonka Muqdisho, waxayna taasi uga gol leeyihiin in aan ciidamadooda jooga labadaas goobood aan laga soo weerarin dhinaca Badda.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia
Kalluumeysato ka cabaneysa rasaas ay ku furaan Ciidamada Amisom ee dhinaca Xeebta ka ilaaliya Dekedda iyo Garoonka Diyaaradaha Muqdisho
Cabirka Farta
More News
- Dowladda Uganda oo sheegtay in ay baareyso eedeyn loo jeediyay Ciidamadeeda oo ah in ay dad rayid ah si bareer ah u toogteen
- Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay in uu labo sano gudahood uu dalka doorasho ku gaarsiin doono
- Madaxwaynaha cusub ee Puntland oo gaaray Boosaaso
- Afhayeenka Al-Shabaab oo ugu baaqay Ciidamada Amisom in ay Soomaaliya ka baxaan
- Banaanbax looga soo horjeeday Dowladda cusub ee Soomaaliya oo ka dhacay deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose
- Madaxweynaha Soomaaliya oo si weyn loogu soo dhaweeyay Shirka Midowga Afrika ee Magaalada Addis Ababa
- Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka oo dhibaatooyin kala duwan ku haya Dadka ku dhaqan Degmada Xamar-weyne
- Guddoomiyihii Guddida Doorashooyinka Somaliland oo is-casilay, Guddoomiye cusub oo la doortay iyo Aragtida Axsaabta Mucaaradka ah