Talaado, February 03, 2009(HOL): Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay dhibaatooyin dhac iyo jir-dil isugu jira waxay ku hayaan dadka ku dhaqan Degmada Xamar-weyne ee Gobolka Banaadir.
Ciidamadan oo u badan kuwo ka soo baxay fariisimo ay la wareegeen Xoogagga Muqaawamada ayaa waxay isugu uruureen Degmada Xamar-weyne iyo degmooyin kale oo u dhow sida Xamar Ja-jab iyo Shangaani, waxayna dhibaatooyin ku hayaan dadka degmooyinkaas ku dhaqan.
Dhibaatadii ugu dambeysay xalay u geysteen Abwaan Cusmaan C/llaahi Gure oo ka mid ah Abwaannada Soomaaliyeed, waxayna abwaanka isugu dareen dhac iyo jir-dil, iyagoo ku garaacay qori baadkiis.
Abwaan Gure oo aan wax ka weydiinay dhibaatada ay Ciidamada u geysteen ayaa sheegay in xalay isagoo u soo baxay Salaaddii Cishaha ay Ciidamadan ku heleen meel u dhow gurihiisa oo ku yaala Degmada Xamar-weyne, “Dhibaatada ay ii geysteen waxba kama duwana midda ay shacabka Soomaaliyeed ku hayaan, wax dhibaato ah oo gaar ahna uma arko”ayuu yiri Abwaan Gure oo sheegay in ay Ciidamadaas oo Boolis ahaa ay ka qaateen wixii uu heystay, ayna qoriga caaraddiisa ku garaaceen.
“Markii hore wixii ka dambeeya Salaadda Maqrib guriga kama soo bixi jirin laakin hadda markii dowladda cusub madaxdeeda la soo doortay ayaa xoogaa rajo ah i gashay markaas ayaan xalay bannaanka u soo baxay”ayuu yiri Abwaan Cusmaan C/llaahi Gure.
Dadka ku dhaqan Magaalada Muqdisho ayaa mar kasta waxay eedo kala duwan ka sheegtaan Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya, mana muuqato ilaa iyo haatan cid x ka qabaneysa dhibaatooyinka ay Ciidamadaas geysanayaan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia