Guddoomiyihii Guddida Doorashooyinka Somaliland oo is-casilay, Guddoomiye cusub oo la doortay iyo Aragtida Axsaabta Mucaaradka ah

Cabirka Farta

Talaado, February 03, 2009(HOL): Guddida Doorashooyinka Somaliland ayaa maanta doortay Guddoomiye cusub ka dib markii uu xilka Guddoomiyenimo iska casilay Guddoomihii Komishanka Doorashooyinka Maxamed Ismaaciil Maxamed (Kabo-weyne), kaas oo is-casilaaddiisa ku saleeyay eedaymo ka dhan ah xubnaha kale ee Komishanka.

Xubnaha Komishanka doorashooyinka Somaliland ayaa maanta fadhi ay ku yeesheen xaruntooda magaalada Hargeysa waxay istiqaaladii kag aqbaleen Guddoomiyihii hore ee Guddida doorashada Maxamed Ismaaciil Maxamed (Kabo-weyne), waxaanay Guddoomiye cusub u doorteen  Jaamac Maxamuud Cumar (Sweden) oo ka mid ahaa xubnaha komishinka.

Guddoomiyaha cusub ee komishanka doorashooyinka Somaliland oo ka mid ahaa sadexdii xubnood ee uu soo xulay Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, ayaa doorashadiisani waaxay ka dambaysay ka dib markii uu is-casilay Guddoomiyaha hore. Markaas ayaan ku idhi (Xubnaha Komishanka), waad arkaysaan in Axsaabtii Kalsoonidii ina wada siiyeen oo arrintii (Doorashadii) 56-maalmood baa hadhaye, haddii aynaan isku mid noqon oo aynaan isku qof noqon oo aynaan aroortii soo wada shaqo tegin oo aynaan habeen iyo meelin waqti kasta oo loo baahdo aynaan wada fadhiyin, ka bixi mayno.” Ayuu yidhi Guddoomiyaha Komishanku, waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Aniguna sidii hore idinka yeeli  maayo ee haddii aan intaa idinka waayo, Anigu waan is-casilayaa haddii aan caqabad idinku ahay, waxaanan ogahay in meeshan (Komishanka) ay dad curyaaminayaan.” sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha is-casiley ee Komishanka Doorashooyinka Maxamed-Kaboweyne. Waxaanu Guddoomiyaha is-casilay sal uga dhigay is-casilaaddiisa Xubinta cusub ee maanta loogu doortay Guddoomiyaha Jaamac-Sweden oo uu ku tilmaamay in uu qayb ka yahay khilaafka keenay in uu is-casilo.

Isbdelkan ayaa yimi xilli ay Somaliland foodda ku soo hayso doorashadii madaxtooyada Somaliland oo lagu wado inay dalka ka dhacdo 29-ka bisha March, hase ahaatee ay Komishinka ku gadaaman yihiin arrimo xasaasi ah oo ay ugu weyn yihiin khilaafka huursan ee dhexdooda iyo khilaaf  u dhaxeeya komishinka iyo Haayadaha la shaqeeya.

Axsaabta Mucaaradka ah ee Kulmiye iyo UCID ayaa fikrado kala duwan iska taagay is-casilaadda Guddoomiyaha Komishanka.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe oo arrintan wax laga waydiiyay ayaa soo dhaweeyey, waxaanu ugu baaqay xubnaha kale ee Komishanka in ay is-casilaan, isaga oo ku eedeeyay fadhiidnimo iyo in aanay gudan karin xilka loo igmaday. Hase ahaatee, Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo) ayaa isagu dhinaciisa ku tilmaamay is-casilaadda Guddoomiyaha ayaan-darro, waxaanu sheegay in aan loo baahnayn waqtigan, taasina ay keeni karto dib-u-dhac ku ymaadda Doorashada oo aan loo baahnayn. Waxaanu ku baaqay in aan la casilin Xubnaha Komishanka, balse lagu kabo oo lagu daro xubno kale.

Guddoomiyaha Guddida Doorashooyinka ee is-casilay wuxuu noqonayaa kii sadexaad ee komishinku yeesho muddo sanad iyo dheeraad ah, waxaana hore isu casilay Guddoomiyihii hore Maxamed Yuusuf Axmed.

Barkhad M. Kaariye  Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland