Maamullada ka dhisan magaalada Gaalkacyo oo la sheegay in ay midoobayaan

Cabirka Farta

Sabti, February 28, 2009(HOL): Madaxwaynaha DGPL C/raxmaan Maxamed Faroole oo maalmihii la soo dhaafay booqosho ku joogay magaalada Galkacayo ayaa la kulmay odayaal ka socday maamulka koonfurta ee magaalada Gaalkacyo.

Madaxwaynaha ayaa la sheegay in uu odayaasha kala hadlay sidii wadajir looga shaqayn lahaa amniga gobolka mudug oo badanaa ay ka dhacaan falal kala duwan ,waxaana la isla soo hadal qaaday sida uga haboon ay u wada shaqayn karaan madaxwaynaha iyo maamulka koonfurta Gaalkacyo .

Qaar ka mid ah odayaashi ka qayb galay kulankaasi maalmo ka dib markii madaxwaynaha uu dib ugu soo laabtay magaalada Garowe ayaa sheegay in la isku afgartay ka wada shaqaynta amniga degmada si wada jir ah ,iyadoo la midaynayo ciidamada amaanka ee labada dhinac ee ay Galkacyo ka koobantahay

C/raxmaan Faroole Madaxwaynaha DGPL ayaa marki u gaaray Gaalkacyo bilaabay kulamo uu la qaadanayo qayabaha kala duwan ee bulshada Gaalkacyo ,isagoo kormeero kala duwan ku sameeyay xafiisyada Dowladda ee ku yaala magaaladaaasi,waxaana isagoo ku sugan garowe uu u mahad celiyay madaxwaynaha maamulkaasi Maxamed Cali Kiimiko oo uu la kulmay intii uu Gaalkacyo joogay.

Magaalada Gaalkacyo oo marki hore laba dhinac ka koobnayd ayaa la sheegay in lagu wado baryaha soo socda sidii loo mataanayn lahaa ,waxaana haddii ay dhacdo arintan ay meesha ka saari kartaa kala qaybsanantaa magaalada ,inkastoo maamulka koonfurta uu leeyahay madaxwayne iyo maamul gaar ah.

Faysal Maxamed Xasan(Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Boosaaso, Somalia