UNHCR oo sheegtay in dad badan oo ka barakacay Muqdisho ay guryahooda dib ugu noqonayaan iyagoo aan heysan ammaan la isku haleyn karo

Cabirka Farta

Sabti, February 28, 2009(HOL): Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR ayaa sheegtay in dad gaaraya 40,000 oo ruux oo ku barakacay gudaha Soomaaliya ayaa bilaabay inay dib ugu noqdaan guryahooda oo Muqdisho ku yaalla.

Lixdii Asbuuc ee aynu ka soo gudubnay ayay dadkaas ku noqonayeen Magaalada Muqdisho, iyagoo ka noqonayay Gobollada Hiiraan, Mudug, Galgaduud iyo Shabeellada Dhexe iyo Shabeellada Hoose.

Qaar badan oo ka mid ah dadkan ayaa waxay ku noqdeen guryahooda ooku yaalla Degmooyinka Hodan, Wardhiigley, Yaaqshiid iyo Huriwaa, kuwaasi oo ay ka dhaceen dagaalladii lagu hoobtay ee Muqdisho ka dhacayay labadii sano ee aynu ka soo gudubnay. UNHCR waxay sheegtay in dadkani ay ku noqonayaan guryo burbursan oo aan wax agab ah lahayn.

UNHCR waxay sheegeysaa in iyadoo ay dadkani dib ugu noqonayaan guryahooda Muqdisho ku yaalla ay hadana sii socdaan dagaallo la mid ah kuwii ay ka barakaceen, kuwaasi oo kuwoodii ugu dambeeyay ay geysteen dhimasho iyo dhaawac faro badan oo dad rayid ah soo gaaray iyo weliba barakac hor leh oo dagaalladaas ka dhashay.

“Waqtigan ma dhiirigelineyso UNHCR in ay dadkii Muqdisho ka barakacay ay dib ugu noqdaan waayo xaaladda ayaa weli waxay tahay mid aan deganeyn, adeegyada bulshadana waa ay xadidan yihiin”ayaa lagu yiri qoraal ay soo saartay UNHCR, inkastoo qoraalka lagu sii xusay in Hay’adda UNHCR ay garab siineyso cid kasta oo go’aansata in ay xiligan Muqdisho ku noqoto.

Isu geynta tirada dadka ka barakacay Soomaaliya waxay gaarayaan 1.3 Milyan. Sanadkii la soo dhaafay oo kaliya ayay sheegtay UNHCR in dad gaaraya 100,000 oo ruux ay qaxooti ahaan u galeen dalalka Soomaaliya la deriska ah sida Kenya, Itoobiya, Jibouti iyo Yemen, halka tirada dadka magangalyo ahaanta isu dhiibay ee Soomaaliya ka qaxayna ay UNHCR ku qiyaastay 438,000 oo ruux.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia