Sabti, February 28, 2009(HOL): Xoogagga Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab ee gacanta ku haya deegaanno dhowr ah oo ku yaala Koofurta Soomaaliya ayaa waxay ku soo rogeen Degmooyin ka ka tirsan Gobolka Gedo oo ka mid ah meelaha uu gacanta ku hayaan amarro ay ku sugayaan ammaanka.
Degmada Beled-Xaawo ayuu xalay Ururka ku soo rogay amar lagu farayo dadka in aysan wax hub ah ku dhex qaadan karin gudaha degmada, halka Degmada Baardheerena uu gebi ahaan ku soo rogay bandow.
C/qani Maxamed Abuu Xamza oo Al-Shabaab u qaabilsan Degmada Beled-Xaawo ayaa u sheegay Radio Maandeeq oo degmadaas ku yaala in ciddii la arko iyadoo gudaha degmada hub ku heysata tallaabo laga qaadi doono, wuxuuna dadka hubka heysta ku amray in ay hubkooda ku heystaan guryahooda
“Ciddii amarkaas u hoggaansami weysa waxaan u qaadaneynaa in ay dooneyso in ay hubka dadka wax ku yeesho, isla markaana ay ku geysato falal amni darro ah”ayuu yiri C/qani Maxamed Abuu Xamza oo intaas ku daray in ay sidoo kale joojiyeen shineemooyinkii degmadaas laga shidi jiray.
Degamda Baardheere oo Gobolka Gedo ka tirsan ayaa iyadana waxay xalay ku jirtay Bandow uu ku soo rogay Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab, waxayna Saraakiil u hadlay Al-Shabaab ay bandowgaas ku sheegeen mid ay ku sugayeen ammaanka Degmada.
Ugu dambeyntiina, Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab oo gacanta ku haya Gobollo dhowr ah oo ku yaaa Koofurta Soomaaliya ayaa meelaha ay ka taliyaan waxay ku soo rogaan amarro ad-adag oo aysan horay u aqoonin dadka ku nool deegaannada ay ka taliyaan, inkastoo ay jiraan dad soo dhaweeyay oo iyana deegaannadaas ku sugan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia