![]() |
| Madaxweynaha Soomaaliya -Shiikh Shariif Shiikh Axmed |
Waxaa uu ka hadlay dagaalladii todobaadkii hore ka dhacay magaalada Muqdisho, kuwaasi oo dhexmaray Ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom oo isku dhinac ah iyo xoogag ka amar qaata Xisbul Islaam oo ka soo horjeeda, wuxuuna madaxweynaha dagaalladaas ku tilmaamay kuwo aan loo baahneyn.
Madaxwneynaha oo shirkiisa jaraa’id ka sii hadlayay waxaa uu sheegay in haddii ay jiraan dad wax tabanaya aysan dagaal u marin xalka waxyaabaha ay tabanayaan, wuxuuna caddeeyay in ay diyaar u yihiin in ay la hadlaan cid kasta oo wax tabaneysa.
Shiikh Shariif, Madaxweynaha Soomaaliya waxaa uu sheegay in Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee Booliska iyo Mileteriga leh ay yihiin kuwo Islaamka u shaqeynaya, isla markaana uusan dhiiggooda bannaaneyn. Waxaa uu sheegay Madaxweynaha in uu horay u sheegayin uu Dalka ku dhaqayo shareecada Islaamka, haatanna uu mar kale ku celinayo in dalka Soomaaliya uu ku dhaqayo Shareecada Islaamka.
Madaxweynaha ayaa shirkiisa jaraa’id waxaa uu ugu mahadceliyay Dowladda Jibouti iyo shacabkeeda oo uu sheegay in ay gogol nabadeed u dhigeen dadka Soomaaliyeed, wuxuuna tilmaamay in aysan hilmaami doonin abaalkii ay Jibouti u gashay Soomaaliya, isagoo xusay in aysan ahayn markii ugu horeysay oo ay Soomaaliya gogol nabadeed u fidiso.
Halkan ka dhegeyso shirka jaraa'id
ee uu Madaxweynaha qabtay -HOL
Sidoo kalena, Madaxweynaha waxaa uu shirkiisa jaraa’id ugu mahadceliyay Guddiga Ammaanka Qaranka oo uu sheegay in ay wax badan ka qabteen Magaalada Muqdisho, si gaar ahna waxaa uu u xusay Isbaarooyin yaallay Waddooyin Muqdisho dhexdeeda ah iyo kuwo duleedkeeda ah.
Waxaa uu shirkiisa jaraa’id uga sii hadlay Madaxweyne Shiikh Shariif Shiikh Axmed baaq dhawaan ka soo baxay Hay’adda Culumaa’udiinka Soomaaliyeed, kaasi oo ahaa in Ciidamada Amisom Muqdisho looga saaro 120 maalmood, wuxuuna sheegay Madaxweynaha in bixitaanka Ciidamada Amisom ay ku xiran tahay in marka hore is-fgarad la gaaro, kadibna waxaa uu sheegay in ay Ciidamadaas iska bixi doonaan.
Madaxweyne Shiikh Shariif oo wax laga weydiiyay in Ciidamada Amisom ay duqeeyeen goobo ay dad rayid ah degan yihiin intii ay socdeen dagaalladii todobaadkii hore dhacay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in uu Saraakiisha Ciidamada Amisom kala hadlay in aysan goobaha dadka rayidka ah duqeynin, wuxuuna caddeeyay in uu ka xun yahay in uu xiligan dagaal ka dhaco Magaalada Muqdisho weliba xili ay dad horay uga qaxay ku soo noqonayeen.
Ciidamada Amisom ayuu sheegay in ay keentay Dowladdii ka horeysay dowladda uu madaxweynaha ka yahay, wuxuuna sheegay in ay ku yimaadeen qaab aan dagaal ahayn, haatanna ay diyaar u yihiin ay si nabadgelyo ah ku baxaan haddii ay dadka Soomaaliyeed sidaas isku af-gartaan..
Shirka jaraa’id ee uu qabtay Madaxweynaha Dowladda Midnimada Qaran ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo todobaadkii hore ay magaalada Muqdisho ka dhaceen dagaallo dhimasho iyo dhaawac badan geystay, iyadoo weliba xiligaas uu madaxweynaha ku sugnaa Magaalada Muqdisho.
Dhanka kalena, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa wuxuu maanta Xarunta Villa Somalia kula kulmay Odayaasha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye, wuxuuna madaxweynaha kala hadlay Odayaasha sidii loo adkeyn lahaa Ammaanka Dalka Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho, isla markaana loo joojin lahaa looga hortegi lahaa in ay dagaallo kale dhacaan. Madaxweynaha oo shirkiisa jaraa’id ku soo hadal qaaday waxyaabihii uu Odayaasha kala hadlay ayaa sheegay in ay Odayaasha u keeneen xabad-joojin, wuxuuna caddeeyay in ay xabad-joojintaas aqbaleen, soona dhaweeyeen.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia
