Sabti, February 28, 2009(HOL): Golaha Wasiirrada Xukuumadda Midnimada Qaran ee Soomaaliya ayaa maanta waxay shirkoodii ugu horeeyay ku yeesheen Magaalada Muqdisho.
Shirka ay Xubnaha Golaha Wasiirrada ku yeesheen Magaalada Muqdisho oo uu shir guddoominayay Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharma-arke ayaa waxaa looga hadlay arrimo ku saabsan Ammaanka Dalka Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho, Sii wadida dib u heshiisiinta iyo weliba soo celinta dadkii ka barakacay Dalka Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho.
Afhayeen u hadlay Xukuumadda Midnimada Qaran ee Soomaaliya oo lagu magacaabo C/salaan Yuusuf Guuleed ayaa shirkaas kadib wuxuu warfidiyeennada u sheegay in shirkaas uu ahaa mid ay Xubnaha Golaha Wasiirrada si weyn ugu jeex-jeexeen tallaabooyinka ugu horreeya ee ay qaadeyso Xukuumadda cusub ee Soomaaliya.
Xukuumadda Midnimada Qaran ee Soomaaliya ayaa wasiirrada ugu muhiimsan waxay yihiin kuwo ka yimid Xildhibaannadii Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya, waxaana ka mid ah Ra’iisal Wasaare ku xigeennada kala ah Prof. C/raxmaan Xaaji Aadan Ibbi iyo Shariif Xasan Shiikh Aadan iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Shiikh C/qaadir Cali Cumar.
Xukuumaddan ayaa waxaa hor-yaalla howlo baaxad leh oo ay ugu muhiimsan yihiin sugidda ammaanka dalka Soomaaliya iyo in ay Dowladda ku soo biiriso mucaaradka ka soo horjeeda.
Dhanka kalena, Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Midnimada Qaran ee Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma-arke ayaa wuxuu la kulmay Xubno ka socday Hay’adda Culimada Soomaaliyeed.
Guddoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed Shiikh Bashiir Axmed Salaad ayaa sheegay in Ra’iisal Wasaaraha ay u gudbiyeen qodobo ay ka mid ahaayeen in Shareecada Islaamka dalka lagu xukumo, in dhiig joojin la sameeyo iyo qodobo kale, wuxuuna carrabka ku dhuftay in Ra’iisal Wasaaaha ay qodobadaas isku af-garteen.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia